Xoogagga Muqaawamada Falasdiin ee ka dagaallamaya magaalada Qaza ayaa si kulul udhaleeceeyay tallaabadii uu maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda aqoonsiga kusiiyay nidaamka dabadhilifka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.
Bayaan cara leh oo kasoo baxay xarakada Xamaas ayaa ku tilmaamay in tallaabadaas tahay mid xambaarsan khatar hor leh iyo isku day lagu doonayo in lagu helo sharciyad been ah, waxay sidoo kale ka digeen in maamulka Ashahaadda ladirirka Somaliland loo adeegsado meel loo barakiciyo Falastiiniyiinta iyadoo si qasab ah looga rarayo magaalada Qaza.
Xamaas ayaa warsaxaafadeedka ay soo saartay ku sheegtay in u janjeeridda Nidaamka Netanyahu ee aqoonsigan ay ka tarjumayso cadaawadda qotada dheer iyo abuurista xasarada cusub oo ka aloosma geeska qaaradda Afrika.
Muqaawamadu waxay carabaawday in sahyuuniyadda cadaawadda gaamurtay uqabto muslimiinta ayna doonayso in jaraa’imtii ay ka geysatay dhulalka Falasdiin ay ku daboosho aqoonsi faalso ah oo ay siisay maamulka ashahadda ladirirka ah ee fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa.
Xoogagga Muqaawamada Falasdiin ayaa bayaanka ay kasoo saareen arrinta Somaliland uga digay qorshayaasha Yahuudda ee lagu doonayo in Falastiiniyiinta si khasab ah looga barakiciyo dhulalkooda iyagoo si buuxda u diiday in deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland loo isticmaalo meel loo raro dadka Qaza ee dhulalkooda laqabsaday.
Muqaawamadu Waxay tilmaameen in dhowaanahay ay isasoo tarayeen warbixinno badan oo ku saabsan dadaallada gumeysiga ee lagu raadinayo goobo la dejiyo dadka laga barakicinayo magaalada Qaza.
Ugu dambeyn Muqaawamada Falasdiin ayaa ugu baaqday shucuubta ku dhaqan caalamka islaamka in ay ka dhiidhiyaan ujeedooyinka Gurrucan ee Yahuuddu ay ku kala qeybinayso dalalka muslimiinta.