Muqaallo Argagax leh oo Lasoo Bandhigay oo Muujinaya Xasuuq ay Dowladda Ingiriiska ka Geysatay Dalalka Ciraaq iyo Afghaanistaan.

May 18, 2025

Markii ugu horraysay muuqaallo argagax leh oo muujinaya xasuuqyadii ay ciidanka Ingiriiska ka geysteen dalalka Ciraaq iyo Afghanistaan ayaa lasoo bandhigay, iyo xukuumadda London oo arrinkaas ka carootay.

Sida ay baahisay majalada Panorama ee kasoo baxa dalka Albania, waxaa sanado badan kadib banaanka la keenay cadeymo si toos ah u muujinaya xasuuqa lagu hilboobay ee ay dowladda Ingiriiska ka geysatay wadamada Ciraaq iyo Afghanistaan xilliyadii ay duulaanka gardarada ah ku joogtay, waxaana lasoo muujiyey cadeymo wajiga gabax ku riday xukuumada London.

Bariitaanka saxiifadan ay sameysay ayaa ku saleysan marqaatiyo dhab, sida qaar kamid ah ciidankii xilligaas dowladda Ingiriiska u qaabilsanaa howlada wadamada, waxay sidoo kale askartaan banaanka keeneen muuqaallo argagax leh oo muujinaya xasuuqyo loo geysanayo dad shacab ah oo ay xitaa ku jiraan caruur yar yar oo ka hooseeya da’ada 10-ka.

Mid kamid ah askartii hore ee Biritishka ah ee kasoo dagaalamay dalka Afghaanistaan siixafadana ay soo xiganeyso ayaa sheegay in maalin maalmaha kamid ah uu goob joog u ahaa toogasho loo geystay caruur yar oo xitaa aanan gaarin da’ada lagu awoodo dagaalka, sidoo kale waxa uu askarigan sheegayaa in dilka maxaabiista iyo marasta kalaba uu iska ahaa mid joogto ah intii ayba ku sugnaayeen gudaha Afghanistaan.

Wargeyska baaritaankan sameeyey ee Panorama oo ay warbixintiisu sii socoto ayaa markale soo xiganaya askari Ingiriis ah oo shaaca ka qaadaya in xiligaas ay qabeen badankood xanuunada maskaxda, iyagoona ku kici jiray falal wuxuushnimo ah oo ay ogaayeen in mar un la isaga daba imaan doono isagoona yiri “Waxaan arkay askar badan oo muuq ahaan la moodo kuwa caafimaad qaba balse si maskaxiyan ah u xanuusan”.

Jariiradu waxa sidoo kale daaha ka qaadeysaa in Ra’iisul Wasaarihii Ingiriiska ee xiligaas David Cameron uu helay digniino isdaba joog ah oo u sheegaya in ciidamada gaarka ah ee Britain ay dad rayid ah ku leynayaan gudaha Afgaanistaan, balse uu dhagaha ka fureystay.

Warbixintan oo si aad ah u dheereed ayaa si toos ah banaanka u keentay wajiga qarsoon ee xukuumada London, waxaana caro daran saacadihii lasoo dhaafay qaaday dowladda Ingiriiska maadaama ay dunida iyo dadka badanaa ay isugu muujin jirtay mid aanan ka talaabin waxa ay ugu yeeraan xeerarka caalamiga ah ee dagaalka iyo xuquuqdu basharka.

FAAFREEB PRO