Mujaahidiinta oo Weerar Ku Qaaday Saldhiga Cadowga ee Qoryooley.

Dec 21, 2024

Shabeelada Hoose.

Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga Murtadiinta ee degmada Qoryooley

Dhanka kale

Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiin  Al-Shabaab ayaa faahfaahin ka bixiyay weerarkii cagmarinta ahaa ee saaka ciidamada mujaahidiintu kula jarmaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Xawaadley iyo howlgallada kale ee ka dhacay duleedka deegaankaasi.

Taliska ciidanka  mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in dagaal kooban kaddib Allaah fadligiis ciidamada mujaahidiintu gacanta ku dhigeen saldhigga murtadiintu kaga sugnaayeen deegaanka Xawaadley, sidoo kale waxa uu talisku xaqiijiyay in kamiin lala beegsaday maleeshiyo gurmad usoo ahaa deegaanka Xawaadley, tirada horudhaca ah ayuu talisku xaqiijiyay dhimashada 21 xubnood oo murtadiin ah oo isugu jira saraakiil ciidan iyo askar, kuwaas oo lagu dilay dagaalka tooska ah iyo weerarka dhabbagalka ah.