Mujaahidiinta oo Weerar Duqeyn Ah Ku Qaaday Xerada Xalane

Apr 6, 2025

Banaadr.

Ciiidamada Mujaahidiintu waxey maanta madaafiic ku garaaceen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah taliska ugu weyn ee Kufaarta kaga suganyihiin magaalada caasimada ah.

Madaafiicda ayaa ku dhacay gudaha xerada Xalane.

LAAMUU.

Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen xero askarta Kufaarta Kenya ay ku leeyihiin Tuulada Basuuba oo u dhaxeysa Mangaay iyo Milimaani.

Dagaalka inta uu socday waxa uu dab xoogan ka kacay gudaha xerada waxaana gubtay dhowr teendho oo Saliibiyiibnta uga dhex dhisnaa xerada kuwaasi oo sahay iyo agabyo kale ay ugu keydsanaayeen.

Banaadir:

Qarax Mujaahidiinta ay ka fuliyeen deegaanka Calamada ee duleedka Muqdisho ayaa lala eegtay gaari C/Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaat ka tirsan Booliska ridada, waxaana qaraxaasi ku dhintay 3 askari, 3 kalana waa ay ku dhaawacmeen. Maleeshiyaatka dhintay waxaa ku jiray Sarkaal lagu magacaabi jiray Maslax.

Shabeellada Dhexe:

Qarax Mujaahidiinta ay ka fuliyeen deegaanka Buurane ayaa lala eegtay ciidamo Burundees ah oo lugeynayey, waxaana ku dhintay 3 askari oo Burundees ah.