Faahfaahin:
Dagaalkii saaka Mujaahidiinta kula wareegeen taliska ay maleeshiyaatka ridada ku lahaayeen nawaaxiga deegaanka Mooro-erri ee duleedka degmada Moqokori ee wilaayada Hiiraan, dhimashada murtadiinta ee weerarkaasi waxay gaartay 4 askari, halka dhaawacana uu gaaray 8 kale.
Murtadiinta maanta lagu dilay weerarkasi waxaa kamid ah Cabdullaahi Cali Shiilow, iyo Muuse Gadiid Cadow, sidoo kale waxaa weerarkaasi lagu dhaawacay Maxamed Sanweyne oo ah sarkaal ka tirsan sirdoonka ridada.