Mujaahidiinta oo Howlgallo ka Fuliyay Gudaha Magaalada Baledweyne.

Dec 27, 2025

Ciidamada Mujaahidiinta ee ka howlgala wilaayada Hiiraan ayaa howlgal lagu dilay askari murtad ah ka fuliyay magaalada Baladweyne, waxaana murtadkaasi laga furtay qorigii uu sitay.

Sidoo kale qarax ay mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Baladweyne ayaa lala eegtay fariisin ay ku sugnaayeen maleeshiyada Riddada, waxaana jira khasaare soo gaaray cadowga.

Howlgalladan ayaa imaanaya xilli Mujaahidiinta ay sii kordhiyeen weerarada lagu dhiig bixinayo cadowga midabada kale leh ee ku soo duullay dalkan Muslimka ah ee Soomaaliya, kuwaas oo ay horboodayaan Murtadiin diintooda ku iibsaday sandareerto yar.

Saacadihii lasoo dhaafay ayay ahayd markii howlgallo kale duwan ay ka dhexeen gobollada Shabeellaha Hoose, Jubbada Hoose iyo gobolka Laamu ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.

FAAFREEB PRO