Mujaahidiinta. oo Gacanta Kusoo Dhigay Shan Mas’uul oo Katirsan Dowlada kenya

Feb 3, 2025

Mandheera.

Howlgal qorsheysan oo ciidamada Mujaahidiintu ay ka fuliyeen deegaanka Harazuki oo ah deegaan u dhaxeeya degmada Ceel-qaalow iyo magaalada Wargaduude ee gobalka Mandheera waxey nolasha kusoo wadeen 5 mas’uul oo ka tirsan maamulka Ridada ah ee Kenya ugu magacaaban gobalka Mandheera kuwaasi oo kala ah

1-Cadow Cabdulle Maxamed gudoomiyihii hore ee magaalada War-gaduude

2-Maxamed Nuur Xaaji Gudoomiyaha deegaanka Jajaboole.

3-Cabdi Xasan Surre Gudoomiyaha deegaanka Qurac Madoobe.

4-Maxamed Xasan Kulmiye Gudoomiyaha magaalada War-gaduude qeybta Bari.

5-Ibraahiim Gaabow Cabdulle gudoomiye ku xigeenka qeybta Bari ee magaalada War-gaduude

Shanta Mas’uul ee ay Mujaahidiintu nolasha ku qabteen ayaa la socday gaari Nuuca Raaxada ah iyaga iyo gaarigooda waxey ku wada jiraan gacanta Mujaahidiinta.

Kolanya saliibiyiinta Kenya ah ayaa gurmad ahaan uga soo baxday magaalada War-gaduude waxaana lala beegsaday qarax, Waxaa laga gubay gaari Beebo ah waxaana halaagsamay askartii Kenyaatiga ee la socotay gaarigaas.