Wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya weerar maanta ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka fuliyeen duleedka degmada Afmadow.
Weerarkan ayaa ahaa kamiin ay Mujaahidiintu u dhigeen maleeshiyaadka calool-uusta ee uu ku adeegto murtad Axmed-madoobe.
Inta la xaqiijiyey, ugu yaraan 1 askari oo ka tirsan maleeshiyada Ridada Jubbaland ayaa ku dhintay weerarkaasi, halka askari kalena uu ku dhaawacmay.
Waxa kale oo jira gaari Succeed ah iyo qori AK47 ah oo ciidamada Mujaahidiinta ay kusoo furteen hawl-galkaasi ka dhacay agagaarka Afmadow.
Kamiinkan ayaa qayb ka noqonaya hawl-gallo ballaaran oo ciidamada Mujaahidiinta ay si weyn ugu dhiig-bixinayeen maleeshiyaadka calool-uusta Ridada iyo ciidamada Saliibiyiinta ee dalka kusoo duulay..