Mujaahidiinta oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Ceel-hareeri iyo Qarax Baydhabo ka Dhacay.

Jun 4, 2025

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa goordhow dagaal kula wareegay deegaanka “Ceel-hareeri” oo dhaca duleedka degmada Moqokori ee wilaayadda Hiiraan, kadib markii Mujaahidiinta weerar ku qaadeen maleeshiyaatkii ridada ee halkaasi ku sugnaa.

Faahfaahin hordhac ah:

Dagaalkii maanta Mujaahidiinta kula wareegeen deegaanka “Ceel-hareeri” oo dhaca duleedka degmada Moqokori ee wilaayadda Hiiraan, dhimashada murtadiinta 2 askari, dhaawacana waa 3 kale.

Sidoo kale Mujaahidiinta waxay dagaalkaasi ku qaniimeysteen gaari Propox ah, xaalada deegaanka waa mid degan waxaana ku sugan ciidanka Mujaahidiinta.

Baay:

Qarax ay Mujaahidiinta ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhabo ayaa lala eegtay guri ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo maleeshiyaat murtadiin ah, waxaana jira khasaaro cadowga gaaray.

Dhanka Bakool:

Ciidamada Mujaahidiintu waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen saldhiga Murtadiinta ee degmada Waajid.