Mujaahidiinta oo Dagaal Culus Ku Jabiyay DANAB Buulo Xaaji Duleedkeeda.

Jun 28, 2025

Ciidamada Mujaahidiintu waxey maanta dagaal culus kala hortageen maleeshiyaatka Murtadiinta DANAB oo hawada sare ay ka taageerayaan diyaaradaha Saliibiyadda Mareykanka kuwaasi oo ka baxay magaalada Kismaayo islamarkaana doonayay iney dhibaateen dadka ku dhaqan tuulooyinka u dhaw deegaanka Buulo Xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa ka dhacay agagaarka deegaanka Buulo Xaaji waxeyna ugu dambeyntii Murtadiinta iyagoo dusha loo saariyay khasaara xoogan gudaha u galeen deegaanka Buulo Xaaji.

Dhimashada waa 6 Murtad oo 2 saraakiil tahay kuwaasi oo kala ahaa.

1-Murtad Cabdullaahi Aadan Cabdi Kariim oo ahaa Abaanduule ciidan.

2-Murtad Higle Maxamed oo ahaa taliyaha Caafimaadka Murtadiinta DANAB gaar ahaan qeybta Special Force

Dhaawaca waa 13 Murtad.