Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-Muslimiin oo Qarka u Saaran la Wareegidda Caasimadda Maali.

Nov 1, 2025

Tan iyo dhammaadkii Oktoobar 2025, Mali waxay wajahaysaa mid ka mid ah hanjabaadaha amni ee ugu weyn taariikhdeeda casriga ah.

Mujaahidiinta Nusratul Islam Wal-muslimiin Islam wal-Muslimiin ayaa xoojiyey hawl-gallada ay ka wadaan waddanka Mali, kuwaasoo qarka u saaran inay la wareegaan caasimadda Bamako.

Warbixin uu daabacay wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegtay in Al-Qaacida ay ku dhowdahay inay la wareegto dal dhan haddii Bamako ay dhacdo.

Jamaacadu waxay xayiraad saareen soo dejinta shidaalka dalka, taasoo keentay in caasimadda Bamako ay gasho xaalad hakad ah oo dhinaca saadka iyo dhaqaalaha ah.

Mali waxay ku tiirsan tahay shidaalka laga keeno dalalka deriska ah sida Senegal iyo Ivory Coast, sidaas darteed xayiraaddan waxay saamayn laxaad leh oo taban ku yeelanaysaa dhaqaalaha dalka.

Sida warbixintu sheegtay, Nusratul Islaam Wal-muslimiin ma doorbideyso weerar toos ah oo lama filaan ah, balse si tartiib tartiib ah ayay wax u waddaa.

Taatikada Jamaacada isticmaalayso ayay warbixintu tilmaantay inay la mid tahay qaabkii Taliban ay kula wareegtay Afganistan oo kale.

Wall Steet Journal, wuxuu xusay in Nusratul Islam Wal-muslimiin ay marka hore la wareegayaan magaalooyinka yar yar iyo miyiga kadibna ay u dhaqaaqayaan dhinaca caasimadda.

Warbixintu waxay carabowday in dowladda daba-dhilifka ah ee Mali ee uu hoggaamiyo golaha militarigu ay u muuqato mid talax-gabtay, kadib bixitaankii ciidamada Faransiiska, iyo xiriirka cakiran ee ay la leedahay saaxiibbo kale sida Ruushka iyo Africa Corps.

Mali waxay la daalaa-dhaceysay daciifnimada dowladnimo muddo sanado ah oo ay colaado ka jireen waqooyiga iyo bartamaha dalka, taasoo gacan ka geysatay wiiqidda awoodda dowladda.

Wargeysku waxa kale uu xusay in xayiraadda dhaqaale, oo ay ku jirto tan shidaalka, ay tahay hub aan caadi ahayn oo loo adeegsado xididdo-siibidda dowladnimada, iyadoo aan lagu weerarin hubka noocyadiisa kala duwan.

Intaa waxaa dheer, isbeddellada xulafada caalamiga ah ee ay ka mid tahay bixitaanka Faransiiska, iyo ku tiirsanaanta Mali ee askarta murtazaqada ee Ruushka, waxay jaanis siisay jihaadiyiinta oo awooddoodii ay kusii bullaashay.

Maxaa laga fili karaa?

Sida uu sheegay warbixinta Wall Street Journal, dhicitaanka lama filayo inuu noqdo mid degdeg ah, balse waxaa jirta suurtagalnimo weyn oo ah in la isku dayo wadaxaajood.

Xitaa haddii kooxda aysan si buuxda ula wareegin Bamako, la wareegidda deegaanno ballaaran oo dalka ka mid ah waxay ka dhigan tahay in si dhab ah dowladdu u hagaastay isla markaana dhidibada loo taagay dowlad Islaami ah oo ay jihaadiyiintu maamulayaan.

Saameyntu kuma ekaan doonto Mali oo keliya ayay odorostay warbixintu, balse waxay gaari kartaa dalalka kale ee Galbeedka Afrika, xitaa kuwa kasii fog, iyada oo loo marayo shabakadaha islaamiyiinta iyo maalgelinta jihaadka.

Warbixinta uu daabacay wargeyska Wall Street Journal waxay tilmaamaysaa in muhiimadu aysan ahayn waxa dhici kara mustaqbalka, balse ay tahay waxa hadda socda, iyo sida degdegga ah ee uu nidaamka Mali u sii liicayo.

Wargeysku wuxuu xusay in mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin ay maamusho dhul ballaaran oo ku yaalla gobolka Saaxil, isla markaana ay ku dhaqanto shareecada Islaamka, iyadoo ujeeddadeedu tahay ayuu yiri in ay gaarto madax-bannaani buuxda oo Islaami ah, kana madax bannaan dhammaan xiriirka reer-galbeedka iyo nidaamka caalamiga ah. Waana hirgelinta qorshaha mujaahidiinta Al-Qaacida ee ku saleysan xoreynta dunida Islaamka.