Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin oo Dhegta Dhiigga u Daray 200 oo Askari.

May 15, 2025

Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin, ayaa weerar aad u xooggan ku qaaday saldhig ciidan oo kuyaal waddanka Burkiina Faso ee dhaca galbeedka qaaradda Africa.

Weerarka oo ahaa mid si wayn u abaabulan ayay jameecadu ku ekeeyeen saldhig ciidanka Burkiina Faaso ku leeyihiin magaalada Jiibu ee ka tirsan gobolka Sum, waxanaa halkaas halaag daran loogu gaystay ciidanka xukuumadda Wagadugu.

War kooban oo kasoo baxay Nusratul Islaam Wal-Muslimiin, oo ay faafisay mu’assasada Al-zallaqah ayaa lagu shaaciyay in weerarkaas Allah fadligiis lagu dilay 200 askari, halka lagu soo furtay hub fara badan iyo gaadiid dagaal.

Mujaahidiintu waxay sheegeen in weerarkan uu dhacay Axaddii lasoo dhaafay, marka laga soo tago askarta boqolllaalka ah ee dhagta dhiigga loo daray, waxay dhanka kale weerarkan kusoo furteen 4 baabuur oo kuwa dagaalka ah iyo hub culus iyo kuwa fudud.

Hubka lagu soo furtay weerarkan waxaa ka mid ah, laba qori oo Hoobiye ah, 4 qori oo Dhashiike ah, sagaal qori oo RPG ah, Labaatan BKM ah, 206 qori oo Ak47 ah, 8 baastooladood, 16 sanduuq oo rassaas ka buuxdo, 16 mooto iyo agabyo kala duwan oo fara badan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli weerar cagmarin ah oo isla Axaddii lasoo dhaafay Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ku beegsadeen saldhigga maleeshiyada Burkiina Faso ee tuulada Soli, kaas oo lagu dilay 60 askari, halka lagu soo furtay gaari ciidan, hub iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.