Ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada Ansaaru Shariica ahna faraca Al-Qaacida ee dhulka Jaziiratul Carab ayaa weerar xooggan oo iskugu jira Istishhaadiyo iyo Inqimaasiyo ku qaaday xarun ciidan oo aad loo ilaaliyo, halkaas oo fadhi u ahayd saraakiil sar-sare oo katirsanaa maamulka Koonfureed ee dalka Yaman.
Mujaahindiinta oo bayaan rasmi ah kasoo saaray hawlgalkaas ayaa sheegay, in xarunta la beegsaday ay ku taallo deegaanka Al-Maxfad ee gobalka Abyan, isla markaana bartilmaameedku uu ahaa Calooshood-u-shaqeystayaasha uu Imaaraatku tababaro ee ka hawlgal gobalkaas. Jawiga goobta ayaana ahaa sida tan xiligii uu weerarku socday.
Goobtan ayaa ahayd saldhig ay si gaara uga hawlgalayeen guutada koowaad ee taakulaynta iyo saadka, waxayna isku xir u ahayd duullaanka cadowtooyo ee lagu hayo Mujaahidiinta iyo Qabaa’ilkooda dulmi diidka ah ee kasoo horjeeda maamulka ka dhisan Koonfurta Yaman. Xaruntan ayaa sidoo kale waxaa ku yaalay talis laga hago diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee duqaymaha ka gaysta dalkaas.
Qaybaha hore ee Bayaanka ayaa lagu yiri “Weerarku wuxuu billowday abaaro 7:30 subaxnimo, ka gadaal markii Saddex kamid ah Inqimaasiyinta laguna kala magacaabo (Abuu Bakar, Al-Xudeydi, Sameh Al-Sancaani, iyo Karaar Al-Sancaani) – Alle haka aqballo shahaadadoodee ay rasaas ooda ugaga qaadeen cidamadii ku sugnaa afaafka hore ee xarunta, kadibna waxaa saldhiga gudaha u galay Istishhaadi Baraa Al-Ibbi oo watay gaari miinaysan, kaas oo dhulka la simay qayb kamid ah xarunta, intaas kadib Inqimaasiyiinta ayaa toogasho ka dhex bilaabay xerada”.
Weerarkan oo socday ku dhawaad hal saac iyo bar ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca 25 ka mid ah calooshood u shaqeystayaasha Imaaraatka Carabta, sidaba ay qireen maamulka gobalka ee ay ka tirsanaayeen iyada oo si aad ah loo qarinayay. Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in tirada dhabta ah ee khasaaraha nafeed uu aad uga badan yahay inta lagu dhawaaqay, marka la eego xannibaadda adag ee ay dawladdu kusoo rogtay warbaahinta.
Sarkaal ka tirsan isla maamulka dawladda ee Koonfurta Yaman ayaa ka hadlay weerarkan, wuxuuna si jeesjees leh uga falceliyay dhaleecayn iyo guulo been ah oo ay masuuliyiintu ka sheegteen weerarkaas.
Natiijada ka soo baxday howlgalkan culus ee ay fuliyeen ciidamada mujaahidiinta ee Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ayaa noqotay in meesha laga saartay dhagartii ay ciidamada xukumadu usoo maleegayeen dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan deegaanka Al-Maxfad, waxaana gabi ahaanba la burburiyay gaadiidkii dagaalka ee ku sugnaa agagaarka halka uu qaraxu ka dhacay, kuwaasi oo ay taakulo ahaan usiiyeen Imaaradka Carabta oo dawr wayn ku leh dagaalada ay kooxaha murtazaqada ah ka wadaan wadamada Islaamka.
Weerarkan ayaa waxaa cambaareeyay masuuliyiin badan oo ka tirsan maamulka Yaman, kuwaas oo qiray khasaaraha nafeed ee gaaray ciidankooda, waxayna sheegteen in askar iyo saraakiil badan looga dilay hawlgalkan, dhacdadan ayaa kala shaki ka dhex abuurtay saraakiisha amniga, iyaga oo la anfariirsan qaabka ay mujaahidiinta ugu suuragashay beegsiga xaruntii saldhiga u ahayd diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee duqaymaha ka gaysta gobalka Abyan.
Mudooyinkii dambe waxaa dalka Yaman ka bilowday kacdoon shacbi ah, kaas oo hada sanad jirsaday isla markaana ay isku abaabuleen qabaa’ilka reer Xadramawt, kooxahan ayaa dhawaan soo bandhigay cudud ciidan oo aad u badan, kuwaas oo sida ay sheegeen kasoo horjeeda maamulada ay Imaaraadka Iyo Sucuudigu ka dhisteen dalka Yaman.
Qaybaha dambe ee Bayaanka kasoo baxay Mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziirada Carabta ayaa baaq tawbad keen ah loogu diray askata ka hoos dagaamaya ajandyaasha uu Imaaraadku wato ee ay Yahuuddu gadaal ka riixayso, lana doonayo in laga hirgaliyo dalka Yaman.
Mujaahidiinta ayaana wacad ku maray inay Allaah Idankiis sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxaha kufriga ah ee iskusoo bahaystay la dagaalanka diinta, isla markaana aanay mujaahidiinta Yemen iyo qabaa’ilkoodu aqbali doonin in dalkan laga hirgaliyo qorshayaasha cadowga, iyaga oo raacaya dardaarankii Nabiga ee أخرجوا المشركين من جزيرة العرب.
Allaah wuxuu Quraanka ku Yiri: {وَاللَّهُ غَالِبُ عَلَى أَمْرِهِ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لَا يَعْلَمُونَ}