Mu’asasada Al-Malaaxim oo ah garabka warbaahineed ee mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta ayaa soo saartay bayaan cusub oo cinwaankiisu yahay “Hambalyo iyo Taageero loo Dirayo Libaaxyada Islaamka ee Afrika”, kaasoo lagu bogaadinayo dadaalada mujaahidiinta ka howlgala Bariga iyo Galbeedka Afrika.
Bayaanka ayaa si gaar ah loogu hambalyeeyay mujaahidiinta ka hawlgala Soomaaliya iyo Mali, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray dagaalladii ugu dambeeyay.
Waxaa si gaar ah bayaanka lagu xusay weerarkii lagu qaaday Kulliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen lix salibiyeen Yurubiyiin ah iyo 35 kale oo kooxda ridada Soomaaliya ah.
Warka kasoo baxay mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta ayaa lagu canbaareeyay warbaahinta caalamiga ah, taasoo isku dayeysa in ay qariso iftiinka Islaamka ee kasoo baxaya Afrika, balse sida lagu sheegay bayaanka, “iftinkaasi wuu sii faafayaa ilaa uu gaaro dunida Muslimka oo dhan.”
Inkastoo ay Al-Malaaxim muujisay murugo ay ka qabto xaalada adag ee muslimiinta Falastiin, haddana waxay sheegtay in guulaha laga gaarayo dhulalka Muslimiinta ee Bariga iyo Galbeedka Afrika ay fure u yihiin xoreynta Qudus iyo dhammaan dhulalka Muslimka ah ee la haysto.
Bayaanka ayaa waxa ugu dambeyn Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan loogu baaqay in ay garab istaagaan mujaahidiinta la halgamaya saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda murtadiinta ah, iyagoo lagu booriyay in ay u diyaar garoobaan jihaadka noocyadiisa kala duwan.
Sidoo kale culimada Islaamka ayaa si gaar ah loogu yeeray in ay kaalin muuqata ka qaataan dagaalka, iyagoo la faray in ay booqdaan goobaha jihaadka, ama ugu yaraan ay dhiirrigeliyaan jiilasha da’da yar ee doonaya ka qeyb qaadashada difaaca dhulalka Muslimiinta.
Bayaankan ay soo saartay Mu’asasada Al-Malaaxim oo ah garabka warbaahineed ee mujaahidiinta Al-Qaacida ee Jaziiradda Carabta ayaa kusoo beegmaya xilli mujaahidiinta ka howlgala Bariga iyo Galbeedka Africa ay dhegta dhiiga u darayaan cadawga hororka ku ah diinta dalka iyo dadka muslimiinta ah.
FAAFREEB PRO