Mucaaradka Suuriya oo Fariin u Diray Bulshada Calawiyiinta ee Wadankaas.

Dec 5, 2024

Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Suuriya ee dagaalka kula jira nidaamka dhiigya cabka Suuriya oo ugu baaqay bulshada laga tirada badan yahay ee Calawiyiinta inay ku soo biiraan kacdoonka, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay dhaqdhaqaaqa lagu sheegay iney heli doonaan amaan iyo xoriyad balaaran.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay kacdoon wadayaasha ayaa lagu yiri “Waxa aanu caddaynaynaa in la gaaray wakhtigii la xiri- lahaa cutubka dhibaatada ay dadka Suuriya uu u geysanayo taliska Assad”

Waxaa sidoo kale lagu yiri qoraalka mucaaradka “Suuriya mustaqbalka waxay noqon doontaa Suuriya midaysan, halkaas oo qof kastaa uu ku noolaan karo si sharaf iyo badbaado leh, kana fog cadaadiska uu talisku ku soo rogay tobanneeyo sanno.”

Waxaa dhanka kale warsaxaafadeedka loogu caddeeyay bulshada Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Bashaar Al-Asad inay bartilmaameed u noqdeen go’aammada taliska Asad, balse dhaqdhaqaaqu uu xiri doono boggaas, qof kasta oo muwaadin Suuriyaan ahna uu heli doono nolal leh xorriyad iyo mustaqbal.

Waxay midan kusoo beegmeysaa xilli kooxaha mucaaradka Sunniga ay si aad ah isku sii fidinayaan, saacad walbana lagu soo waramayo iney la wareegeen deegaan hor leh oo ay ku sugnaayeen ciidanka nidaamka Suuriya iyo kuwa Ruushka.

FAAFREEB PRO