Mucaaradka Ridada oo Aqbalay Inay ka Qeybgalaan Shirka ay Iclaamisay Kooxda Gurguurte.

Jan 24, 2026

Kadib shirar ay mucaaradka ridada ku yeesheen magaalada Nairobi ayey kasoo saareen war saxaafadeed ku aqbaleen ka qeybgalka shirka ay kooxda ridada sheegtay inay ku qabanayso Muqdisho 1aad bisha soo socota ee February.

Mucaaradka ayaa sheegay in kooxda ridada looga baahan yahay inay ka laabato dhammaaba wax ka badakji ay ku sameysay Dastuurka ridada.

Sidoo kale mucaaradka ridada ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin uu sameysto Xasan Gurguurte oo ah madaxa kooxda ridada Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qeybgali doonaa Siciid Deni, iyo Axmed kuwaasi oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo Xasan Gurguurte.

Kooxda ridada Soomaaliya ayaa horay waaran soo qabasho ah u jartay Axmed Madoobe, xilli dhawaan R/Wasaaraha ridada uu sheegay inuusan aqoonsaneed maamulka Axmed Madoobe.

Arrimahaan waxay kusoo aadayaan xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya kooxda ridada iyo mucaaradka xili Xasan Gurguurte oo qorsheysanayo inuu sameysto muddo kordhay.