Sida wararka ay tibaaxayaan golaha mucaaradka ee kasoo horjeeda Xasan Gurguurte ayaa shaley kulan la qaaday gaalada caalamka ee ku sugan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.
Kulanka mucaaradka ay la yeesheen gaalada ku sugan Xalane ayaa la sheegay in ujeedadiisu ahaa dacwad ay ka wadeen Xasan Gurguurte, iyo inuu fashil kusoo dhammaaday kulamadii mucaaradka iyo Gurguurte u dhaxeeyey.
Mucaaradka ayaa gaalada caalamka ee Xalane fadhisa u sheegay in Gurguurte uu diiday xal siyaasadeed islamarkaana uu doonayo inuu boobo doorashooyinka, iyagana ay arrintaasi kabiya diidan yihiin.
Kulankaan waxaa goobjoog ahaa safiirada Mareykanka, Ingiriiska, iyo QM, waxaa lasoo sheegayaa in gaalada Caalamka ay walaac ka muujiyeen khilaafka siyaasadeed ee ka dhex aloosan mucaaradka iyo Gurguurte.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gaalada caalamka ay u yeereen xasan Gurguurte kuna amreen inuu si deg deg ah maalmaha soo socda ku yimaado Xalane si ay wax uga weydiiyaan burburka ku yimid wadahadaladii u socday isaga iyo mucaaradka.
Tan markii ay burbureen kulamadii dhexmarayey Xasan Gurguurte iyo mucaaradka waxaa sii xoogeystay khilaafka labada dhinac, iyadoona Gurguurte uu halkiisa ka sii wato qorshaha doorashada uu doonayo inuu qabto taasoo ay si weyn uga soo horjeedaan Mucaaradka.