Shir Xasaasi ah oo ka Dhacay Kenya iyo Xamze Cabadi Barre oo la Doonayo in Xilka Laga Qaado.

Aug 9, 2025

24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa sii xooggeystay hadalheynta Mooshin xil ka qaadis ah oo Xildhibaano ka tirsan ridada ay u gudbiyeen guddoonka Baarlaamka ridada.

Shirar xasaasi ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya halkaasi oo ay ku sugan yihiin Xildhibaanada gudbiyey Mooshinkaan ka dhanka R/Wasaaraha ridada murtad Xamse Cabdi Barre.

Qaar kamid ah Xildhibaanada wada Mooshinkaan ayaa barahooda bulshada kusoo qoray inay wadaan Mooshin ka dhan ah Xamse Cabdi Barre.

Xildhibaan Saabir Shuuriye oo ka tirsan Baarlamaanka ridada ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray qoraal uu ku qirayo inuu jiro Mooshin ay ka wadaan Xamse Cabdi Barre.

Xubno ka tirsan xaafiiska Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inuu jiro Mooshin ka dhan ah R/Wasaaraha kooxda ridada Soomaaliya kuwaasi oo ay Sheegeen inay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlaamka ridada.

R/Wasaaraha ridada ayaa xubnaha Mooshinka ka gudbiyey waxay ku eedeeyeen inuu jabiyey Dastuur gaaleedka u yaalla kooxda ridada Soomaaliya.

Lama oga sida uu ku dhaqan gali doono Mooshinkaan, xilli Mooshinno horay laga gudbiyey murtad Xamse Cabdi Barre kuwaasi oo markii danbe fashil kusoo dhammaaday.