Millateriga Maali oo Xasuuq Ba’an u Geystay Shacab Muslimiin ah. [WARBIXIN]

Nov 20, 2025

Hay’ada Human Rights Watch oo sheegta inuu u doodo waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha ayaa warbixin ay soo saaray ku shaaciyey xasuuq daran oo dad shacab muslimiin ah ay u geysteen maleeshiyaadka xukuumadda hoobadka ku jirta ee Maali.

Warbixinta ayaa lagu faahfaahiyey sida uu u dhacay xasuuqqan bahalnimada ah ee ay geysteen Millateriga Maali iyo sidoo kale goobaha iyo xilliyadii uu dhacay sida arxan-darrada ah ee shacabkaasi loo gummaaday.

Waxaana lagu bilaabay sidan:

“Milateriga Maali iyo maleeshiyaad uu gacan-saar la leeyahay ayaa horraantii bishan October 2025 dilay ugu yaraan 31 qof oo rayid ah waxayna gubeen guryihii shacabka ee laba 2 tuulo oo ka tirsan gobolka Segou oo uu ka socdo dagaal u dhaxeeya millateriga Maali iyo Jihaadiyiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin.

Oktoobar labadeedii ayay ahayd markii ciidamada Mali iyo Dozo , oo ah maleeshiyo u badan qowmiyadda Bambara oo muddo 10 sano ah qayb ka ahayd howl-gallada ka dhanka ah jihaadiyiinta, ay ugu yaraan 21 nin ku dileen tuullada Kamona, isla markaana ay dabka sureen ugu yaraan 10 guri.

Ciidamada Maali ayaa 13-kii October tuullada Balle waxa ay ku dileen 9 nin iyo hal dumar ah. Labada tuullo waxay ku yaalliin gobol bartamaha Maali ah oo ay maamusho Jamaacada Nusratul Islaam Wal-muslimiin. Goob joogayaal ayaa sheegay in askarta iyo maleeshiyaadka Doozo ay rasaas la dhaceen dadka tuullada kadib markii ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Jihaadiyiinta.”

“Xasuuqii Oktoobar ka dhacay gobolka Segou waa uun tacaddiyadii ugu dambeeyay ee loo aaneeyo ciidamada Mali iyo malleeshiyaadka xulafada la ah,” ayay tiri Ilaria Allegrozzi , oo ah cilmi-baare sare oo Sahel ah oo ka tirsan Human Rights Watch.

Hey’adda HRW waxa ay khadka taleefoonka ku wareysatay 10 qof oo xog-ogaal u ah xasuuqqa dhacay bishii Oktoobar, oo ay ku jiraan 5 markhaati iyo 5 hoggaamiye bulsho. bulshada rayidka ah, dhaqdhaqaaqayaasha, iyo saxafiyiinta. 8-dii Noofambar, Human Rights Watch wax jawaab ah kama aanay heln warqad ay u dirtay wasiirrada caddaaladda iyo difaaca ee Mali.

Goob joogayaal ayaa u sheegay hey’adda Human Rights Watch in askarta Maali ay ku aqoonsadeen dareeska, halka maleeshiyaadka gacan-saarka la leh ee Dozo-ga ay iyagana ku garteen dharka hiddaha iyo dhaqanka ee ay qoorta ku xiran yihiin.

Abbaaro 10-kii subaxnimo ee 2-dii October, ayaa askar wadatay ugu yaraan toddobo baabuur oo Cabdi Bileyaal ah iyo saddex baabuur oo kuwa gaashaaman ah iyo sidoo kale maleeshiyo Dozo ah oo iyaguna wata mootooyin ayaa gudaha u galay Kamona waxayna bilaabeen inay baaraan ragga jooga tuullada.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin oo lasoo hadlay dadka deggaanka ay ku wargeliyeen in Milateriga Maali ay kusoo socdaan, taasoo keentay in dad badan oo deegaanka ah ay isaga cararaan halkaasi.

“Dadkii carari kari waayay inta meel la isugu geeyey ayaa la toogtay,” Sidaas waxaa u sheegay Human Rights Watch, qof ka badbaaday xasuuqqaasi. Waxaanay dadka tuulladu ay markii dambe heleen 17 meyd oo geed hoostii yaalla. 4 kalena waxay ka heleen dhanka waqooyi ee Kamona. Iyagoo sheegay in askartu ay gubeen ugu yaraan 13 aqal.

Nin 40 jir xoolo-dhaqato ah oo guri cidla ah kula soo dhuuntay gabadh uu dhalay oo 9 jir ah ayaa sheegay in markii ay ciidamadu dilka geysteen jamaaciga ah ka geysteen deggaankaasi, kadib ay tageen goobtii oo ay ka heleen maydadka 17 qof.

“Dadka waxaa oodda oodda lagaga qaaday oo lagu jarjaray rasaas, mid ka mid ah madaxa ayaa gabi ahaanba laga jaray, Waxaan sidoo kale arkay dhowr xabbo oo qasharka rasaasta ah oo ag yaalla maydadka.” Ayuu yiri ninkan xoolo-dhaqatada ah oo u warramay HRW.

“Waxaan geed hoostii ka qodnay xabaal-wadareed, waxaanan ku ridnay 17 nin oo mayd ah, dhinaca woqooyi, waxaan ka helnay 4 mayd oo kale. Dhammaantood waxaa laga toogtay caloosha iyo madaxa, sidaas darteed waxaan qodnay xabaal kale, waan ku ridnay, kadibna carro ayaan ku daboolnay”. Ayuu yiri nin kale oo 39 jir ah oo HRW u sheegay in uu ka qayb-qaatay aasidda maydadka.

Dadka tuullooyinka ayaa bixiyay liiska 21-ka dhibbane, oo dhamaantood rag ah, oo da’doodu u dhaxayso 20 jir ilaa 65 jir. Waxay rumaysan yihiin in askarta xukuumadda Maali ay dad badan xasuuqeen, intii uu weerarku socday.

“Waxaan maqalnay in ugu yaraan 15 nin oo kale lagu dilay duurka maalintaas, laakin ma aanan tagin halkaas si aan u xaqiijino maadaama aan ka cabsanay in milatarigu uu soo laabto.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka tuullada oo la hadlay HRW.

Kowdii duhurnimo ee 13-kii Oktoobar, ayaa askarta Mali oo wata 5 baabuur oo Cabdi Bile ah iyo maleeshiyaad Dozo ah oo iyaguna wata ugu yaraan 30 Mooto ayaa gudaha u galay tuullada Balle, taasoo keentay in qaar ka mid ah dadka deegaanku ay ka cararaan.

“Isla markiiba ma aanan cararin, laakiin markii aan arkay askar guri guri u galaysa oo dharbaaxo iyo laad ku garaacaya ragga, waan cararay, meeshii aan ku dhuumanayay waxaan ka maqlay rasaas.” Sidaas waxaa yiri nin 24 jir ah oo la hadlay HRW.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askarta iyo maleeshiyaatka Dozo ay dileen 10 qof oo rayid ah oo ay ku jirtay haweeney 55 jir ah iyo 9 rag ah oo da’doodu u dhaxeyso 22 ilaa 67 sano jir, waxaana ay dhaceen ku dhawaad 100 neef oo Lo’ ah.

Nin 33 jir ah ayaa sheegay in weerarka kadib uu 10 qof oo meyd ah ku arkay bartamaha tuullada. Waxaanu yiri isagoo dhacdadan ka hadlaya “Waa ay is barbar yaalleen, waxaana ku wada taallay rasaastii lagu furay, qaar baa lugaha iyo gacmaha ka jajabnaa.”

Gabar 21 jir ah oo ay dhashay haweeneyda la dilay ayaa sheegtay in hooyadeed ay ku qeylisay askarta, iyadoo ku eedeysay inay tacaddiyo u geysteen dadka tuullada. Waxaanay tiri iyadoo arrintan ka hadlaya “Waxay u socotay dhanka askarta, kadib waxay geeyeen meeshii nimanka lagu soo ururiyey waanay toogteen.”

Bayaan 14-kii Oktoobar uu soo saaray taliyaha guud ee ciidanka Mali ayaa lagu sheegay in 13-ka Oktoobar ciidanku ay sameeyeen hawlgal ka dhacay agagaarka Balle, taas oo keentay ayuu yiri in la baabi’iyo ku dhawaad 20 argagixiso.

Goob-joogayaal iyo dadka deegaanka ayaa u sheegay Human Righs Watch in deggaanka Balle ay dhowr sano ku jirtay gacanta Mujaahidiinta Nusratul Islaam Wal-muslimiin.

“Waxaan bixinaa sakada sanad walba. Hddii ay jiraan khilaafyo, mujaahidiintu way xalliyaan, ma jiraan askar, boolis-milataaro iyo booliis toona oo halkan joogaa, taas awgeed, ciidanku waxay u maleynayaan inaan nahay dagaalyahannada Nusratul Islaam Wal-muslimiin, ciidanku nama kala soocaan annaga iyo iyaga.” Ayuu yiri qof shacab ah oo ka tirsan dadka deggaanka Balle, mar uu warramayay hey’adda Human Rights Watch.

Weerarada militari ee lagu xasuuqay dadka rayidka ah ee ku nool gobolka Segou ayaa dhacay kadib markii Jihaadiyiintu ay bilaabeen inay go’doomin dhinaca shidaalka ah kusoo rogaan caasimada Mali ee Bamako horaantii Sebtembar, taasi oo keentay in taliska milatariga uu si ku meel gaar ah u xidho dhammaan dugsiyada iyo jaamacadaha dalka.