Tallaabadan uu midawga Afrika doonayo inuu qaado ayaa timi kadib markii ay soo af-go’day rajadii kali ahayd ee ay ka qabeen in waxa loogu yeero Qaramada Midoobay ay meel-mariso qaraar taageerayay maal-gelinta ciidamada Afrikaanta.
Ansixinta qaraarkan ayay ku guul-daraysatay Qaramada Midoobay, waxaanay hey’adda International Crisis Group ay sheegtay in durba tallaabadani ay saamayn taban ku yeelatay hawl-galka AUSSOM, isla markaana ay si weyn uga caraysiisay dalalka ay ciidamadoodu ka joogaan Soomaaliya.
Qaramada Midoobay ayaa geesta kale ka dhawaajisay in sanadkan ay ku qasbanaan doonto in ay dib u eegis ku sameyso qorshaheeda waxay ku sheegto gargaarka ee Soomaaliya iyo Yemen, sababo la xiriira ayay tiri dhimista waxay ugu yeerto deeqaha bini’aadantinimo ee caalamka.
Shir jaraa’id oo ay ku qabatay New York, Stephanie Tremblay oo ka tirsan xafiiska afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in urur-gaaleedkani uu sameeyay dib u eegis dhamaystiran jawaabaha bini’aadantinimo labadii bilood ee la soo dhaafay laga bixin karo.
Waxay intaa ku dartay in dhaqaale dhimista aan horay loo arag ee ay soo martay waaxdani ay ku qasbayso hay’adda iyo la-hawlgalayaasheeda inay si weyn u dhimaan barnaamijyadooda.
Isku soo wada duuboo, hawl-galka AUSSOM ayaa u muuqda mid dhicisoobay, iyadoo intaas ay u dheer werwer amni oo lasoo dersay ciidamada Afrikaanta kadib markii jihaadiyiinta Al-Shabaab ay la wareegeen dhul aad u fara badan sida ay xaqiijisay Amani Africa Media and Research Services oo ah hey’ad madax-bannaan oo cilmi-baariseed isla markaana xiriir dhow la lah Midowga Afrika.