Qaar kamid ah xildhibaannada golaha dawaaqiidda kooxda riddada soomaaliya ayaa eedayn culus ujeediyay taliyaha ciidamada ashahaadda ladirirka murtadiinta.
Xildhibaan Ilyaas sheekh axmed oo kamid ah baarlamaanka kooxda riddada ayaa ku eedeeyay Sanbaloolshe oo ku magacaaban taliyaha sirdoonka in uu dhibaato xooggan ku hayo shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay in ninkan uu mas’uul ka yahay dhagxaanta tira beelka ah ee lagu gooyay waddooyinka gobolka Banaadir islamarkaana uu caburin ku hayo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Sidoo kale wuxuu ka shanqariyay in Sanbaloolshe uu shirqool siyaasadeed umaleegayo Xasan Gurguurte madaxweynaha kooxda riddada wuxuuna bidhaamiyay khilaafka dhinacyada ka dhaxjira.
cod.
Marwalba oo uu heer gaba gaba ah marayo muddo xileedka madaxda kooxda riddada waxaa soo ifbaxa khilaafyo siyaasadeed oo dhinacyada udhaxeeya