Xilli uu meel sare gaaray khilaafka udhaxeeya kooxda ridada soomaaliya iyo maamulka ashahaadda ladirirka ah ee isku magacaabay Jubbaland ayay markale iscasilaad ku dhawaaqeen mas’uuliyiin katirsan xafiiska Xamza Cabdi Barre.
Shamsa Cabdulqadir Daahir oo aheyd lataliyihii R/wasaaraha ee arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ayaa iclaamisay in ay iska casishay xilkii ay haysay sababa laxiriira markii ay xukuumadda Ridada ay dagaal ku iclaamisay dagaal ooge Axmed Madoobe.
waxay sheegtay in aysan kasii mid ahaan karin xukuumad dagaal sokeeye ka abuuraysa gobolka jubbada hoose islamarkaana beegsanaysa siyaasiyiin qeyb ka ah wax ay uguyeertay nidaamka federaaliga ah oo ay ula jeedo maamullada dabadhilifyada ah ee ka jira dalka.
“waxan halkaan ku caddaynayaa inaan si rasmi ah iskaga casilay xilkii aan ka hayay xafliska R/wasaaraha kadib markii aan arkay caddaalad darro baahsan, ku takri fal awoodeed iyo faro galin joogta ah, Duudsiin xuquuq lyo Caburin Shaqo oo la xiriirta Shaqadii La ii igmaday iyo beegsi inaan ahay shaqsi kasoo jeeda Degaanada Jubaland laguna dulmiyay xuquuqdiisi Shaqo ee dastuuriga aheyd,madoonayo in aan kasii mid ahaado xukuumad sidaas udhaqmaysa” ayay tiri lataliyihii Xamza Cabdi Barre.
Illaa sedax wasiir ayaa sidaan oo kale horay isaga casilay xukuumadda ridada ee fadhigeedu yahay magaalada muqdisho waxaana muuqata in kala qeybsanaanta murtadiinta ay meel xun gaartay.
Maamullada Puntalnd iyo Jubbalanad ayaa hadda umuuqda kuwa tafaha uga dhegan Xamza Cabdi Barre iyo Xasan Gurguurte oo isku dayaya in ay awood ciidan kula wareegaan Kismaayo iyo Afmadoow.
Arbacadii lasoo dhaafay ayay xildhibaanno katirsan golaha dawaaqiidda oo lagasoo doortay dhanka maamulka isugu yeera Jubbaland waxay buuq iyo saxwaxan ka abuureen hoolkii ay xildhibaannada kooxda ridada ku shirayeen waxaana ismaandhaafkaas ka dhashay dhaawac soo gaaray askari katirsan booliska kooxda ridada.