Meydadka in ka Badan 100,000 oo qof oo Laga Helay Gudaha Suuriya.

Dec 18, 2024

Xabaal-wadareed lagu arkay duleedka caasimadda dalka Suuriya ee Dimishiq ayaa waxaa laga helay meydadka ugu yaraan 100,000 oo qof oo la dilay xilligii u talada dalkaasi hayay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Bashar Al-Assad waana sida uu sheegay madaxa guddiga xaaladaha degdegga ah ee Suuriya.

Waxa uu ninkan xusuay in goobta laga helay ay ku taalla deegaanka Al-Qutayfah oo ilaa 40 kiilomitir dhanka Waqooyi uga beegan magaalada Dimishiq.

Madaxa guddiga xaaladaha degdegga ah ee Suuriya ayaa intaas ku daray in boqolka kun ay tahay qiyaasta ugu macquulsan ee tirada meydadka lagu aasay goobtasi.

Waxaa wali socda baaritaano kale oo lagu baadi goobayo dad hor leh, xabsiyada fadeexada ku caanbaxay ee nidaamkii dhiigya cabka ahaa ayaana wali looga shakisanyahay iney ku jiraan kumanaan ruux oo muslimiin ah.

FAAFREEB PRO