Maydadka Labo Ruux oo Laga Helay Hargaysa.

Dec 19, 2024

Magaalada Hargaysa ee xarunta gobolka waqooyi galbeed Somalia, waxaa saaka oo Khamiis ah laga helay maydadka laba xubnood, kuwaas oo laga soo dhex saaray gaari ay wateen.

Dhacdadan ayaa ka dhacday xaafadda shacabka ee magaalada Hagaysa, gaar ahaan agaagrka dhismaha wazaaradda waxay ugu yeeraan Awqaafta maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland.

Ilo wareedyo maxalli ah ayaa soo sheegay in labada xubnood ay la helay ay ahaayeen askari ka tirsanaa ilaalada madaxtooyada maamulka Ridada Somaliland iyo gabar.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada oo laga soo duubay goobta laga helay maydadka xubnahaasi ayaa muujinayay gaari nooca raaxada ah oo lagu sheeay in uu yahay midka ay wateen labada xubnood oo maydadka laga saaray iyo dadyow badan oo kusoo xoomay goobta.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysay geerida xubnahan laga dhex helay baabuurkii ay wateen.

Maydadka labadaasi qof ayaa la geeyay cisbitaalka guud ee Hargaysa, halkaas oo baaritaanno loogu samayn doono sida uu sheegay mid ka mid ah dhakhaatiirta cisbitaalka oo warbaahinta la hadlay.

Ma ahan dhacdadii ugu horeysay oo Hargaysa laga soo tabiyo, magaalada iyo duleedyadeeda waxaa dhowr jeer oo hore laga helay maydadka dad dhintay, kuwaas oo isugu jira kuwa ay daadad la tageen iyo kuwa kale.