Maxaan ka Naqaanaa Sirdoonada Sahaayinada ee la Carabeeyey oo soo Ifbaxaya?.

Mar 23, 2025

Saameynta sirdoonada sahaayinada ee la carabeeyey oo soo ifbexeysa iyo maqaal la baahiyey 12 ka hor oo markale dib ugu faafay Internet-ka.

Wakiillada hay’adda sirdoonka ee Mossad ayaa 60-kii sanno ee u dambeeyay guursanayay haweenka Falastiin iyo Carabta kale, taa oo u fududeysay inay hay’adu hesho wakiillo Israa’iiliyiin ah oo lagu dhex beeray filistiiniyiinta, waxaana mashruucan loogu yeeraa carabeenta sirdoonka qarsoon, waana talaabo saameenteeda si aad ah loo dareemayo sanadahaan dambe sababna u noqotay in markale dib uu u faafo maqaal la baahiyey 27-ka bisha 8-aad ee sanadkii 2013.

Shaqsiyaadka loo carbiyey shaqadan waxa qeyb ka ahaayeen qorshayaashii lagu dilay Yaasir Carafaat iyo Abuu Jihaad oo labaduba ah aasaasayaashii ururka Fatax.

Waxaa mid iska caadi ah inaad aragto 50 jir carab la moodo kuna dhax nool gudaha deegaanada muslimiinta balse ah yuhuudi u adeegaya sirdoonada kala duwan ee gumeystaha haba ugu horeysee Moosaad, waana natiijada mirihii ka dhashay ololaha carabeenta sirdoonka qarsoon, sidaba uu 12 sano ka hor daahqaaday wargeyska dhulka yuhuda kasoo baxa ee Ynet.

Isla habkan waxay Mossad ka dhex sameysa Mareykanka, Yurub iyo meel kasta oo laga yaabo inay ka soo baxaan hoggaamiyayaal siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale oo wakiillo Mossad noqon kara marka dambe, tani ayaana si cad u mjiineysa in hadda ay adkaatay kala saarida sirdoonada yuhuuda goobaha ay lugta ku leeyihiin iyo kuwa aysan saameynta ku leheen, waana marka laga ahdlayo ganacsiga, siyaasada, dagaalada kala duwan ee holcaya iyo loolanka ka socda xaga Internet-ka.

FAAFREEB PRO