Waxaa maanta ka dhacay magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Qasa dhacdo argagax ku noqotay maamulka gumeystaha yuhuuda kadib markii boqollaal Falastiiniyiin ah ay ku qulquleen xarun gargaar ah oo ay hirgelisay shirkad Mareykan ah oo taageerta ciidamada yuhuuda.
Sida ay sheegayaan warbaahinta sahaayinada iyo ilo maxalli ah, waxaa la arkayey boqolaal filistiiniyiin ah oo jabinaya darbiyada xaruntan, maadaama halkan ay ku keedsanaayeen raashin iyo agab kale oo muhiim ah shirkadana ay u keentay cadawga gumaadaya iyaga.
Shaqaalaha shirkadan oo halkaas ku sugnaa xilliga dhacdada ayaa si haleel ah meesha loogala baxsaday, waxaana xigtay in shacabka reer Qaza ay si aad ah u daabushaan wixii halkaas yiilay intiisa badan, haba ugu horeysee cunada iyo daawooyinka muhiimka ah.
Xaaladan waxay ka dhalatay go’doomin iyo gaajada ka jirta marinka Qasa mudaayinkii lasoo dhaafay, iyadoona sahaayinada ay isku hor gudbeen jid walba oo ay filistiiniyiintu ku heli lahaayeen gargaarka nuucyadiisa kala duwan.
Waxaana maanta xigtay iney Rafax ka dhacaan wax dunida ay la amakaagtay sahaayinadii halkaas ka ag dhaweydna ku qasabtay iney lafohooda la baxsadaan maadaama aysan awoodin xakameynta shacabka intan la eg ee naftooda difaacanaya.
FAAFREEB PRO