Sidee ayuu ku bilowday isku dhicii la saadaalinayey inuu muddo dhow ka dhax qarxayo dowladdaha Hindiya iyo Pakistaan, maxaasa saacadihii lasoo dhaafay dhaxmaray, maxaysa warbaahinta caalamku ka tiri dhacdooyinkii dhacay?.
Ugu horeyntii waxaa habeenimadii xalay wadamada Hindiya iyo Pakistaan ka dhax bilwoday isku dhicii gacanta ee sida aadka ah loo saadaalinayey todobaadkyadii ina weedaartay, waxaana mar qura saaxada warbaahinta soo galay xogo kala duwan oo muujinaya in Hindiya ay noqotay midii ugu horeysay ee qaada talaabo ciidan.
Xukuumada New Dalhi ayaa habeenimadii xalay weerar gantaallo ay u adeegsatay ku qaaday gudaha Pakistaan, gaar ahaan saddex bartilmaameed oo ku yaalla gobolka Punjab, Islama Bad ayaana durnbadiiba soo saartay warsaxaafadeed ay ku sheegeyso iney bixin doonaan jawaab degdeg ah waliba saacadaha soo aadan, iyadoona dhanka kale Pakistaan markii hore ay xaqiijisay in weerarkan ay ku dhinteen labo qof oo ilmo yar uu ku jiro, halka markii dambe ay tiradu si aad ah u korortay.
Dhanka kale Milatariga Pakistan ayaa sheegay in weerarrada Hindiya ay u adeegsatay gantaallada lagu beegsaday labo masjid, sidaasina ay sababtay iney si aad ah u kororto tirada dhimashada rayidka iyo caruurta yar yar.
Hanjabaadii Pakistaan ee ahayd iney bixinayaan jawaab deg deg ah waxaa xigtay in la maqlay madaafic dhowr ah oo ay isdhaafdadeen ciidanka Labada xukuumadood ee ku sugan gobolka Kashmiir, sida majalado dhowr ah ay kasoo xiganayaan wakaaladda wararka ee Reuters.
Waxa uuna taliska militariga Islama Bad oo soo dhigay hadal sida tan ahaa “waxaa bilowday howgal ka dhan ah Hindiya, iyadoona ciidankeenu ay hadda burburiyeen saldhigyo dhowr ah oo ay lahaayeen ciidanka Hindiya” xaalada ayaana markan u muuqatay mid sii cakirantay jaraaidyada caalamka oo uu ugu horeeyo The Times of India ayaana bilaabay tabinta arinkan.
“Pakistan si adag ayay u weerarri doontaa Hindiya, xaq ayaan u leenahay inan jawaab adag ka bixino weerarka Hindiya.” waxaa sidaas isagana warbaahinta ka hor yiri Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shahbaz Sharif.
Maxay sameysay Pakistan illaa hadda sida ay uga jawaabta gantaalada ay Hindiya ku garaaceen gudaha gobolka Punjab?
Sidaba ay baahinayaan wargeysyada gobolka intooda badan iyo kuwa galbeedkuba, waxay xukuumada Islama Bad qaaday talaabooyin dhowr ah oo ay sheegtay iney yihiin kuwa hor dhac ah, waxaana kamid ah.
• Inta aysan saacad dhammaan waxay Pakistan soo riday Afar diyaraadood kuwa dagaalka ah ayna Sadax kamid ah yihiin kuwa casriga ah ee Faransiiska uu soo saaro ee Rafale jets oo ah jiilka 4.5, mid kasta oo ka mid ahna waxay qiima ahaan ku fadhisaa $288 milyan, iyo 2 diyaaradood oo nuuca aan duuliyaha lahayn, 6-dan diyaaradoodna wey qiratay dowladda Hindiya in laga soo riday, iskudarka lacageed ee diyaaradahaan ayaana ah $864 milyan oo Hindiya ku lumisay wax ka yar Shan saacadood.
• Milatariga Pakistan waxay qarxiyeen labo saldhig oo u shaqeynayay sida xarumo dhexe oo milatari.
• Ciidanka xadduudka jooga ee Pakistan ayaa madaafiic ku weerarray xarumaha milatariga ee Hindiya ay ku leedahay xadka, waxaana in muddo ah qaraxyo laga maqlayey saldhigyada ciidanka xadduuda ee Hindiya.
Waxayna talaabooyinkaan ay qaaday Islama Bad geesteen qasaare nafeed oo gaaray 10 dhimasho ah iyo dhaawaca 30 kale sidaba ay qirtay markale New Dalhi, afhayeenka milatariga Pakistan ayaana la weydiiyey in dhamaan weeraradan ay qaadeen ay yihiin jawaabta gantaaladii ay kala kulmeen dhanka Hindiya, waxa uuna ku jawaabay “ may wali ma aanan bixin jawaab! waxay noqon doontaa jawaabteenna mid adag”.
Marka aan ka hadalno hadaladii laga yiri weerarkan waxay lagu waramayaa in QM ay midan walaac daran ka muujineyso war kasoo baxay ayaana lagu yiri “Duniddu ma awooddo inay u adkaysato saameynta iska hor imaad ciidan oo dhex mara Hindiya iyo Pakistan.”
Gunaanudkii sidaba muuqata majaladaha dunidana iyo warbaahinada kalana ay isku waafaqeen kafada dagaalka ayaa hadda u janjeerta dhanka Pakistaan, Hindiya ayaana saacado kooban ku wajhaday fadeexo dhaqaale oo ku dhow 1 Bilyan oo dollar, waxaasa hadda lawada sugayaa waxa ay noqon doonto jawaabta ay balan qaaday xukuumada Islama bad iney ka bixineyso weerarkii New Dlahi ay ku waaday gobolka Punjab ee dalka Pakistaan.
FAAFREEB PRO