Maxaa Laga Yiri Weerarkii ay Yahuuddu ku Qaadeen Caasimada Qatar ee Dooxa?

Sep 10, 2025

Waxaa isa soo taraya wararka iyo hadalhaynta ka dhalatay weerarkii maamulka Yahuudda ay ku qaadeen xarun ay ku shirayeen hogaamiyaal ka tirsan kooxaha Muqaawamada Filistiin, xilligaa oo ay kawada hadlayeen soo jeedintii gaal Donal Trump.

Muuqaallo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ee ay dadku kuwada xiriiraan ayaa muujinayay qiiq ka baxaya goobta uu weerarku ka dhacay, iyadoo maamulka sahaayidu sheegtay dilka hogaamiyaal ka tirsan Muqaawadama Filistiin.

Hase yeeshee bayaan kasoo baxaya Muqaawamada ayaa lagu sheegay in Yahuuddu ay ku fashilantay hawlgalkii ka dhacay Qatar islamarkaana ay badbaadeen hogaamiyaasheeda.

Warka Muqaawamada oo sii socda waxaa lagu yiri “In la beegsado ergada wada xaajoodka iyada oo ka wada hadlaysa soo jeedintii ugu dambeysay ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump waxay xaqiijineysaa shaki badan oo ah in Netanyahu iyo dowladdiisa aysan dooneynin inay gaaraan wax heshiis ah, iyo inay si ula kac ah u doonayaan inay fashiliyaan dhammaan fursadaha ayna fashiliyaan dadaallada caalamiga ah, iyagoo iska indhatiraya nolosha maxaabiistooda,”

Durbadiiba dawlada Qatar ayaa lasoo degdegtay cambaareynta hawlgalkan fashilmay iyadoo ku tilmaamtay mid fuleynimo xadgudub bareer ah islamarkaana khatar ku ah amniga dadkeeda.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, dalalka Carabta iyo kooxda Ridada Soomaaliya ayaa dhankooda cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Dooxa, kuwaasi oo si wadajir ah weerarka ugu sifeeyay mid khatar ku ah madaxbanaanida Qatar.

Dhanka kale safaarada Maraykanka ee magaalada Dooxa ayaa shaqaalaheeda fartay in aysan dibbada usoo bixi karin, warar kale ayaa sheegaya in xukuumadda Washington la ogoysiiyay weerarkan ka hor inta aan la fulin.

FAAFREEB PRO