Wasiirka gaashaandhiga Ghana ninka lagu magacaabi jiray Edward Omane Boamah iyo wasiirka deegaanka Ibraahim Murtala Maxamed ayaa ka mid noqday 8 qof oo saarnaa diyaaraddan, kuwaas oo dhammaantood ku naf-waayay shilkaasi sida uu xaqiijiyey madaxa shaqaalaha ee madaxweynaha Ghana.
Millateriga Ghana ayaa sheegay in ay waayeen xiriirkii ay la lahaayeen diyaaraddan oo nooceedu ahaa kuwa qumaatiga u kaca ee Z9, taas oo ka soo duushay caasimada Accra kuna sii jeeday magaalada Obuasi oo ah magaalo macdanta laga qodo oo ku taal koonfurta Ghana.
Julius Debrah, oo ah madaxa shaqaalaha, ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Alhaji Mohammed Muniru Limuna oo ahaa ku-simaha isku duwaha amniga qaranka Ghana, Samuel Sarpong oo ahaa gudoomiye ku xigeenka xisbiga National Democratic Congress iyo Samuel Aboagye, oo ahaa musharaxii hore ee baarlamaanka, ay iyaguna ka mid ahaayeen masuuliyiintii ku geeriyootay shilkaasi.
Shaqaalihii diyaaradda oo iyaguna ahaa saraakiil ciidan ayaa ku naf-waayay shilkan oo lagu sifeeyey inuu ahaa mid ka mida musiibooyinkii dhinaca hawada ee ugu xumaa ee dalka Ghana soo mara muddo ka badan toban sano.
Warbaahinta dowladda Ghana ayaa sheegtay in diyaaraddan inta badan loo isticmaalo daabulka iyo daad-gureynta caafimaadka, muuqaal laga soo duubay goobta shilku ka dhacay ayaa muujinaya sida baaxadda leh ee diyaaraddu ay u burburtay.