Masuul Katirsan Dowlada Itoobiya oo Lagu Qafaashay Addis Ababa.

Dec 5, 2024

Wararka ka imaanaya wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in kooxo hubaysan oo loo malaynayo in ay daacad uyihiin Abiy Axmed ay qafaasheen wasiir horay uga tirsanaa xukuumadda.

Taaye Dandaaye oo ahaa wasiirkii nabadda Itoobiya ayaa laga qafaashay afaafka hore ee gurigiisa oo kuyaal magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, ehellada siyaasiga laqafaashay ayaa warbaahinta usheegay in kooxo wejiyada soo xirtay ay wasiirka gacanta ku dhigeen ayna ku qaateen gaari nuuca raaxada ah.

Taaye Dandaaye ayaa gacanta lagu dhigay laba maalmood kadib markii lagasii daayay xabsi amnigiisa si aad ah loo adkeeyo halkaas oo uu ku xirnaa muddo lix bilood ah.

wasiirkii hore ee nabadda oo kamid ahaa xubnaha xisbiga talada haya ee PP ayay maxkamadda dembiyada Itoobiya ku waysay dembiyo lagusoo oogay oo ay kamid ahaayeen in uu katirsan kooxda mucaaradka Oromada ee OLA iyo in uu dacaayad ka faafiyay xukuumadda Abiy Axmed.

Siyaasiga mucaaradka ah ee Jowhar Maxamed oo war kasoo saaray qafaalka wasiirkii hore ee nabadda ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in Taaye ay qafaasheen ciidamada sirdoonka gaar ahaan kuwa loo yaqaan Firaqul Mowt kuwaas oo qaabilsan in ay khaarijiyeen qof walba oo lagu tuhmo in uu halis ku yahay taliska Abiy Axmed.

“waxaan ka walaacsanahay xaaladda Taaye oo ugacan galay koox katirsan sirdoonka Itoobiya balse halis badan, kooxahan waxaa si gaar ah gacanta ugu hayo Abiy Axmed qoorta ayayna ka jaraan siyaasi walba oo ay qabtaan” ayuu yiri Jowhar Muxamed oo walaac ka muujinayay xaaladda wasiirkii nabadda Itoobiya.

Siyaasigan laqafaashay ayaa bartamihii sanadkan jeediyay hadallo kulul oo ka dhan ah dowladad xabashida Itoobiya wuxuu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu hayay balse wuxuu ahaa xubin sare oo katirsan xisbiga talada haya ee PP.