Mareykanka oo si Qarsoodi ah Ruush uga Raadinaya Shidaal, Xilli uu Dalalka Kale Cadaadis Saarayo.

Sep 3, 2025

Mareykanka oo si xooggan ugu cadaadinaya Hindiya iyo dalal kale inaysan shidaal ka iibsan Ruushka, ayaa la ogaaday inuu isagu si qarsoodi ah u raadinayo sidii uu uga heli lahaa shidaal Ruushka.

Sida uu daaha ka qaaday wargeyska Wall Street Journal, shirkadda Exxon Mobil oo ah mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee shidaalka Mareykanka ayaa wada-hadallo hoose la bilowday shirkadda shidaalka Ruushka ee Rosneft, waxayna wada-hadaladaan socdaan tan iyo 2022.

Exxon Mobil ayaa la sheegay inay xiisaynayso dib ugu soo laabashada mashruuca tamarta Sakhalin, oo ah maalgashi ay shirkaddu ku jirtay tan iyo 1995, ka hor inta aysan ka bixin 2022 kadib markii Ruushku joojiyey talaabadan.

Mashruuca Sakhalin ee uu Ruushka maamulayey tan iyo 1995-kii ayaana shirkad Ameerikaanka ah waxaa kasoo gali jiray lacago fara badan ilaa ku dhawaad boqolkiiba 3% dhaqaalaha shirkad uu noqday mid ku tiirsan Shidaalka Ruushka, waxaana markii 2022 Moscow ay hakisay ay Exxon Mobil khasaartay hanti gaareysa in ka badan $4 bilyan oo Dollar.

Warbixintu waxay sidoo kale daah qaadeysaa in shirkadda Mareykanku leeyahay ee Exxon ay si gaar ah u raadineyso inay shidaalka Ruushka ku soo iibsato qiime jaban, kadibna ay suuqgeyn ugu sameyso dhanka Yurub oo aan si toos ah uga iibsan karin shidaalka Ruushka sababo la xiriira iney ka baqanayaan cunaqabateynta Mareykanka.

Tani waxay noqonaysaa ganacsi sedex geesood ah: Ruushka oo shidaal bixiya, Mareykanka oo oo suuqgeyn sameyneya, iyo Yurub oo shidaalka laga iibinayo, isagoo Mareykanka adeegsanaya 2 kaar oo uu midi ku baqdin galinayo galbeedka hadii ay isku dayaan iney Moscow ka ag dhawaadaan iyo mid kale oo uu isaga si dhuulaameysi ah uga soo shidaal qaadanayo gudaha Ruushka kadibna uu macaash kasii raadinayo.

Dhanka kale, Moscow waxay tani u aragtaa guul istiraatiji ah, maadaama ay ka faa’iideysan karto maalgashi shisheeye si loo taageero dhaqaalaha dagaalka ku dhaawacmay, halka jihada kale warbixinta wargeyska Wall Street Jornal ay waji feeday xaqiiqada Washington iyo sida aysan marnaba uga maarmin suuqyada Aasiya.

Si kastaba ha ahaatee, arrintani waxay iftiiminaysaa laba weji-nimo caalami ah oo uu Mareykanku waday waayo badan, hal dhinac waxa uu ku cadaadinayaa ineysan iibsan shidaalka Ruushka, halka uu isagu si hoose ula xaajoonayo Moscow shidaalkana uu kasoo qaadanayo si uu uga sameeyo faa’ido badan isla shidaalkaas.

FAAFREEB PRO