Wasaaradda arrimaha dowladda Saliibiyada ah ee Mareykanka ayaa meelmarisay xeer soo baxaya dabayaaqadii sanadkii hore kaasi oo dhigayay in dalal ay Soomaaliya kamid tahay lagasoo qaado safiirrada maadaama lagu daray dalalka aan muhiimka u aheyn Mareykanka.
Qoraal lasoo dhigay barta safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dalka laga saaray safiirkii Mareykanka islamarkaana lasoo magacaabay nin sii haya ah oo aan gaarsiisneyn heer safiirnimo.
Justin Davis ayaa loo magacaabay kusimaha safiirka Mareykanka ee magaalada Muqdisho, warka kasoo baxay xukuumadda Washington ayaa lagu sheegay in shaqada diblumaasigan cusub ay tahay in uu sii wado masaalixda Mareykanka ee Soomaaliya balse uu ku shaqeynayo aragtida cusub ee Trump taas oo ah “Mareykanka ayaa mudnaanta koowaad ii leh”.
Tallaabadan uu Mareyakanku kula baxay safiirkiisa Soomaaliya uuna ku bedelay sii haaye ama ku sime ayaa ka dhigan xukuumadda Washington ay hoos udhigtay metelaadeeda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya.
Sidoo kale, waxey arrintan imaaneysaa xilli Maraykanku ku fashilmey duullaanka saliibiga ah ee uu ku soo qaadey Soomaaliya, islamarkaana marba marka ka danbeysa ay soo baxayaan diraasaad iyo warbixno tilmaamaya in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegi doontoo guud ahaan dalka.