Sida ay daabeceen wargeyso ay kamid yihiin Washington post iyo Newsweek, Mareykanka ayaa mar kale indhihiisa ku jeediyay dalalka Galbeedka Afrika, xilli ay isbeddelo siyaasadeed ka dhaceen dalal muhiim ah oo dhaca gobolka taladana ay la wareegeen saraakiil milatari oo durbadiiba eryay quwadahii reer galbeedka soona dhaweystay kuwa Aasiya.
Sida lagu waramayo waxaa dalalka Burkina Faso, Mali iyo Niger soo gaaray saraakiil ka tirsan waaxda difaaca iyo arrimaha dibadda Mareykanka, tani ayaana loo fasiray bar-bilowga isbeddel cusub oo ay Washington dooneyso iney markale ka sameyso gudaha dalalka galbeedka Afrika, hanqal taaguna uu yahay markan mid qodobeysan oo qiima gaar ah ugu fadhiya Donald Trump.
Waxay saxiifaduhu tibaaxayaan in ujeedka ugu weyn ee Mareykanka ayaa ah inuu dib u dhiso saameyntiisa gobolka Saaxil, xilli uu gobolka wajahayo dagaallo hubeysan iyo tartan quwadaha caalamiga ah.
Si ka duwan siyaasaddii hore Mareykanka ee galbeedka Afrika, Washington waxay karkarineysaa istaraatijiyad cusub oo lagu magacaabo “Ma jirto faragelin iyo gargaar, ee aan ka hadalno ganacsi.” Habkan cusub wuxuu xooga saaraya iskaashi ganacsi iyo taageero farsamo oo ka dhan ah dhinacyo dhowr ah, iyadoo jaanibka kale Washington ay indhaha ku hayso khayraadka dabiiciga ah ee gobolka, sida macdanta iyo batroolka.
Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa xusay in safiirrada Mareykanka ee Afrika lagu qiimeyn doono sida ay uga shaqeeyaan heshiisyada ganacsi ee Mareykanku ka helo khayraadka Afrika, taasi oo banaanka keeneysa sida maamulka Trump uu hogaamiyo uu shaqaalihiisa ugu dhiiragalinayo soo nooleynta saameyntoodii galbeedka Afrika.
Ruushka dhankiisa marka laga hadlo waa mid xilli hore ka baaraandagay talaabooyinkaan isagoo xoojiyey xiriirka uu la leeyahay dalalka saaxilka, taa oo sidoo kale xitaa albaab u furi karta xulafadiisa Shiinaha iyo Iiraan, kuwaas oo iyaguna doonaya inay kaalin xooggan ka qaataan gobolka.
Sidaas awgeed ayey falanqeeyaashu leeyihiin, Mareykanku wuxuu ku qasban yahay inuu la yimaado qaab suuragalin kara in xukuumadaha Mali, Niger iyo Burkina Faso ay markale milicsadaan dhanka Washington, hadii taasi aysan dhicina waxa la sugaaba waa fashil kale oo uu Mareykanka kala laabto halkan.