Mareykanka ayaa isku furay alabaabo dagaal oo dhanka ganacsiga ah iyo Canada iyo Mexico oo soo saaray hadalo fajaciso ku noqday dowladdo badan.
Sida uu daabacay joornaalka Newyork Post Trump ayaa albaabka u furay dagaal ganacsi oo caalami ah, kaddib markii uu saxiixay canshuur gaareysa 25% ah oo uu kusoo rogay wadamada Canada iyo Mexico, halkaa Shiinaha uu saaray canshuur 10%.
Waqti fog iyadoo uusan kasoo wareegay hadalka madaxweynaha Mareykanka waxaa isla markiiba soo jawaabtay dowladda Mexico iyadoona sheegtay in dhamaan alaabaha Mareykanka wixii hadda ka dambeeya ay saartay canshuur xadigeedu uu gaarayo 25%.
Waxaa sidoo kale durbadiiba iyada soo jawaabtay xukuumada Canada, waxay iyadana shacabka guud ee Canada uga digtay iibsiga dhamaan badeecadaha ka yimaada dhanka Mareykanka, waana talaabo ka balaaran in canshuur lagu soo rogo alaabaha Mareykankan waxaana halkan xukuumada Washington kasoo gaari doona khasaare lixaad leh.
Waxa sidoo kale dowladda Canada shacabkeeda ugu baaqday in halkii ay fasaxyada u aadi lahaayeen Mareykanka ay ku qaataan gudaha Canada, taasoo ah talaabo kale oo dhaqaale badan ay ku weyneyso dowladda Trump uu hogaamiyo.
Shiinaha si aamusnaan ah ayuu u daawanaya, mana bixin wax falcelin ah oo la xiriirta canshuurta 10% ee wax badan ka hooseysa midda Mexico iyo Canada, waxaana midan lagu tilaamay dagaal gacansi oo calami ah oo uu bilaabay ninka hadda ku fariistay kursiga aqalka cad.
FAAFREEB PRO