Masuul sarre oo ka tirsan aqalka cad oo la sheegay inay ku dadaalayaan in Canada ay ka saaraan mid kamid ah isbaheysiyada ugu muhiimsan ee sirdoon.
Sida uu baahiyey wargeyska The Hill la-taliye sare oo ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka laguna magacaabo Peter Navarro kana mid ah xubnaha sida aadka ah ugu dhow Donald Trump ayaa sheegay iney ka shaqeynayaan sidii Canada looga saari lahaa isbahaysiga sirdoon ee loogu yeero ‘shanta indhood’ kaas oo ay mideysanyihiin Mareykanka, Ingiriiska, Canada, Australia iyo New Zealand.
Falanqeynada ka baxsan warbixinta uu daabaca joornaalkan ayaa tibaaxaya in hadii midan ay dhacdo ay Canada ku yeelan doonto saameyn balaaran oo xaga sirdoonka ah, sababtoo ah waxay heli jirtay macluumaadka dunidda oo idil oo lasoo wada uruuriyey, iyagoo sidoo kale wadajir xal ugu raadin jiray khataraha amni ee ku soo wajahan, balse ka saarista isbahaysigan ee Canada waxay sirdoonka Canada u rogaysa sida kuwa hadda la dhisay oo kale, waxay u baahanayaan dhaqaale badan oo ay ku raadiyaan macluumaadka sirdoon iyo wakiillo horleh , tana waa mid ka mid ah marxaladaha amni ee ugu xun taariikhda oo ay wajihi karto Canada, ayaa la yiri.
Dhanka kale Canada awood uma yeelan doonto ayaa la yiri inay si gaar ah u hesho warbixinnada sirdoon ee Shiinaha iyo Ruushka ? waxaa lagama maarmaan ah misana ay u baahan doontaa ayaa la yiri inay wakiillo sirdoon ku yeelato gudaha Mareykanka , si ay uga hortagto khatarta uga imaan karta dalalkan aan soo xusnay.
FAAFREEB PRO