Mareykanka oo Dalalka Caalamka uga Digay Iney soo Dhaweeyaan Ragga ka Tirsan Xafiiska Muqaawamada.

Nov 21, 2024

Mareykanka oo dalalka caalamka uga digay iney martigaliyaan xubnaha xafiiska Muqaawamada ee ka guuray gudaha dalka Qadar, kuwaas aanan la garaneyn meel ay dhigeen jaan iyo cirab.

Sida uu daabacay wargeyska Egypt Independent Washington ayaa dalalka dunida gaar ahaan kuwa iyada xaliifka dhow la ah uga baaqday iney ka foogaan soo dhaweynta iyo martigalinta raga ka tirsan xafiiska siayasada Muqaawamada ee kasoo ambabaxay gudaha caasimada Dowxa.

Mareykanka ayaa si gaar ah ugu digay Turkiga oo lagu tuhmayo soo dhaweynta ragaas, waxaan warbixinta lagu yiri “Waxaan arkay warbixino sheegaya in qaar ka mid ah hoggaanka Xamaas oo ku sugnaa Dowxa ay hadda u guureen Turkiga, waxaan dowladda Turkiga ugu cadeyneynaa si lamid ah sida aan dal walba ugu cadeyna ee ah in Xamaas aanan loola tacaamuli karin sidii hore, mana dooneyno in urur argigixiso ah oo si raaxo leh uu u noolaado” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda mareykanka Matthew Miller oo shir jaraa’id qabtay.

Washington waxay hada u muuqataa mid dooneysa in cuna qabateen ay ragan ka saarto meel walba, balse talaabadaas ayaa u muuqata mid aanan u hurgali doonin, maadaama ayba hadaba soo baxayaan xogo sheegaya in masuuliyiintan ay dageen qaar kamid ah dalalka ugu waaweyn caalamka, balse xaalad amni darteed loo qarinayo in la shaaciyo.

FAAFREEB PRO