Mareykanka oo Agab Millitari oo ku Kacaya Malaayiin Dollar ka iibinaya Taiwan.

Nov 30, 2024

Maraykanka ayaa ogolaaday in agab millitari oo ku kacaya $515 milyan oo dollar laga iibiyo Taiwan, waa ciwaanka warbixin uu daabacay wargeyska The Straits Times ee kasoo baxa dalka Singapore.

Sida lagu waramayo WASHINGTON ayaa ansixisay in jaziirada Taiwan ee loolanka adag kula jirta Shiinaha laga iibiyo diyaaradaha F-16 iyo Raadaarada casriga ah, kuwaas oo markii la isku geeyo qiimohoodu uu gaarayo ilaa $515 milyan oo dollar.

Mareykanka ayaa arinkan sheegay shalaya Jimcihii oo ay taariikhdu ku beegneyd 29 November, waana xiili maanta Lai Ching oo ah madaxweynaha Taiwan uu doonayo in safari dhowr ah u uku maro wadamada dhaca Pacific Ocean-ka.

Tani waxay cirk a sii galin doontaa carada Shiinaha sheegta milkiyada jaziiradan, waxayna dab kusii shidi doontaa hardanka xoogan ee u dhexeeya Beijing iyo Washington.

FAAFREEB PRO