Safaaradda dowladda saliibiyada Maraykanka ku leedahay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, ayaa digniin amni iyo talooyin kale u dirtay muwaadiniinteeda ku sugan Kenya, kuwaas oo ay uga digtay inay la kulmaan weeraro jihaadi ah oo kaga iman kara dhanka Shabaabul Mujaahidiin.
Safaaraddu waxay soo saartay qoraal kooban, kaas oo dadka Americanka ah kula taliyay inay la yimaadaan feejignaan dheeraad ah, maadaama baa lagu yiri qoraalka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab tahay mid weli khatar joogto ah ku ah danaha Maraykanka.
Dadka Ameerikaanka ah ayay safaaraddani si gaar ah ugu sheegtay inay ka fogaadaan goobo bartilmaameed noqon kara sida Hoteellada, safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada qaar, saldhigyada booliiska, kaniisadaha iyo sidoo kale goobaha ay tagaan ajaanibta iyo dalxiisayaasha, kuwaas oo ay sheegtay inay noqon karaan bartilmaameedyo kale.
Safaaradda xukuumadda Washington ee magaalada Nairobi ayaa digniintan kusoo aaddisay, xilli ay jirto cabsi uu Maraykanku ka qabo mujaahidiinta Al-shabaab inay beegsadaan masaalixdiisa bariga Africa, si gaar ahna waddanka Kenya, maadaama ay dhowdahay xilliyada ay xusaan weerarro waaweyn oo mujaahidiintu ku beegsadeen danaha Maraykanka ee Kenya iyo waddamada kale ee bariga Africa.
Dadka Amerinkaanka ah ayay safaaraddu usoo jeedisay inay hoos u dhigeen xogtooda shakhsiga ah, si ay uga taxaddaraan inay la kulmaan weeraro dhici kara, waxay tilmaantay in aanan la saadaalin karin weerarada mujaahidiinta, kuwaas oo ay sheegtay inay xilli kasta dhici karaan.
Bishan oo kale Agoosto 1998-dii waxaa dhacay weeraradii waawaynaa ee ay mujaahidiintu ku beegsadeen safaaradaha Maraykanka ee Nairobi, Kenya iyo Daaru-salaam, Tanzania, halka bisha soo socota ee Sebtember 2001-dii na ay ku beegantay markii ay mujaahidiintu fuliyeen weeraradii waawaynaa ee ruxay gudaha Maraykanka iyo weerarkii Westgate ee Nairobi, waana tan dib usoo celisay cabsida Maraykanku ka qabo weerarada mujaahidiinta.