Diyaaradaha dagaalka dowladda saliibiyadda Mareykanka ayaa duqeyn ku miray xaruntii shirkadda sifeynta biyaha ee Daruur ee kutaal degmada Saakow ee wilaayada islaamiga Jubbada dhexe.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in duqaynta saliibiyiintu gabi ahaan burburisay xaruntaas, Allaah fadligiis ma jirin khasaare nafeed oo ay gaysteen duqayntaasi, waana mid ka mid ah duqaymaha diyaaradaha dagaalka ee saliibiyiinta Maraykanku ku beegsanayaan shacabka ku dhaqan wilaayaadka islaamiga ah.
Ilaa lix gantaal ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaceen gaari ay leedahay shirkadda Daruur, dhismihii iyo qalabkii shirkadda, kuwaas oo gebi ahaanba goobta ku burburay.
Shirkadda biyaha sifeysa ee Daruur ee degmada Saakow horay ayay sidan oo kale saliibiyiintu duqayn xooggan ugu beegsadeen oo ku burburiyeen, waxayna taa muujinaysaa sida ay saliibiyiintu beegsi gaar ah ugu hayaan xarumaha ganacsiga ee dadka Soomaaliyeed.