Maraykanka oo Kooxda Ridada Soomaaliya ku Eedeeyay Inay Xadeen Inka Badan 70 Tan oo Gargaar Ah.

Jan 8, 2026

Dowladda Maraykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku shaacinayso inay hakisay bixinta kaalmadii ay siin jireen kooxda Riddada Soomaaliya, kaddib markii kooxdaasi lagu helay boobka xaddi gargaar lagu sheegay oo aad u badan.

Warbixinta waxaa soo saartay waaxda arrimaha debadda Maraykanka, waxay sheegtay inay hakiyeen dhammaan kaalmadii ay sii jireen kooxda Riddada ah ee fadhigeedu yahay Muqdisho, iyadoo go’aankaas u sababeysay dhacdo aad loo hadal hayo oo lagu eedeeyay masuuliyiinta kooxda Riddada, kuwaasi oo boobay 76 tan oo gargaar ah.

Saraakiisha kooxda Riddada Gurguurte ayaa lasoo weriyay inay jabsadeen oo ay burburiyeen bakhaar waxa loogu yeero hay’adda WFP ay leedahay, kaa oo ay kala baxeen 76 tan oo cunto ah oo bakhaarkaasi ku kaydsanaa.

“Maamulka Trump wuxuu leeyahay siyaasad dulqaad-la’aan ah oo ka dhan ah khasaarinta, xatooyada iyo marin-habaabinta gargaarka naf-badbaadinta ah” waxaa sidaas lagu yiri qoraal waaxda arrimaha debadda xukuumadda Washington ku leedahay barta X.

Madaxda kooxda Riddada Soomaaliya oo caan ku ah xatooyada, boobka iyo wax_isdabamarinta ayaa loo sheegay inay qaataan masuuliyadda boobka ay ku kaceen, sidoo kalena looga fadhiyo qaadista tallaabooyin dhab ah sida ay sheegtay xukuumadda saliibiyadda Washington.

Waxaa qoraalka waaxdaasi oo sii socda lagu yiri “Dib-u-bilaabista kaalmada waxay ku xirnaan doontaa in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadato mas’uuliyadda ficilladeeda aan la aqbali karin isla markaana ay qaaddo tallaabooyin sax ah oo wax-ka-qabasho ah,”.

Sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dhaca loo gaystay bakhaarkan oo kuyaal magaalada Muqdisho, waana mid ka mida mowjado fadeexado ah oo wajahayso kooxdan, horay ayuu Maraykanku usoo bandhigay dhac loo gaystay zaadkii Maraykanku siin jiray maleeshiyaadka uu ku adeegto ee Danab.