Maraykanka oo Itoobiya ka Codsaday Inay ku Biirto Ciidamada la Geynayo Qaza.

Dec 21, 2025

Dowladda saliibiyadda Maraykanka oo weli wadda qorshaha dhagareysan ee ay doonayso inay ciidamo calooshood u shaqeysteyaal ah ku geyso marinka Qaza, ayaa xiriir lasoo sameysay dowladda xabashida Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, gaalka lagu magaxcaabo Marco Rubio, ayaa toddobaadkii hore xiriir uu la sameeyay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ku waydiistay in ciidamo ku biiriyo waxay ugu yeeraan ciidamada ammaanka Caalamiga ah ee Mareykanku qorsheynayo in uu geeyo marinka Qaza.

Xogtan waxaa baahiyay wargayska Yahuudda ee The Times of Israel, isaga oo soo xiganaya laba diblumaasi oo reer galbeed ah, kuwaas oo xog-ogaal u ah xiriirka labada dhinac dhexmaray.

Wargayska Yahuuddu leedahay ma uusan sheegin haddii uu jiro jawaab uu bixiyay ra’iisul wasaaraha dowladda xabashida Itoobiya, Abiy Axmed oo ku aaddan dalabka uga yimid maamulka Trump ee ciidamadiisa qaybta looga dhigayo murtazaqada la doonayo in la geeyo marinka Qaza.

Waxay tani qayb ka tahay qorshaha Trump ee ku aadan marinka Qaza, kaasi oo ku baaqaya in la dhiso ciidan caalami ah oo ay ku sheegeen inay ugu tala-galeen inay kormeerayaan marxalada kala-guurka iyo dib u dhis ee marinka Qaza.

Warbixin uu toddobaadkii hore daabacay wargayska Wall Street Journal, oo soo xiganay saraakiil, ayaa lagu sheegay in maamulka Trump doonayo inuu qorto ciidamo caalami ah oo ka kooban ilaa 10,000 oo askari, kuwaas oo uu hoggaamin doono Jeneraal American ah, si dagaalka kaddib ula wareegaan ammaanka marinka Qaza.

Balse waxay saraakiishu sheegeen in maamulka Trump uu waayay hal dal oo kasoo jawaaba dalabkiisa, sababo ku aadan cabsi ay ka qabaan kooxaha wax iska caabinta Falastiin ee ka howlgala marinka Qaza.

Wargayska ayaa tilmaamay in wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ay si rasmi ah dalabkeedan ugu gudbisay ilaa 70 dowladood, balse 19 dal oo kaliya ayaa muujiyay rabitaankooda ah in ay kaga qayb-qaataan kaalmooyin kale oo ay ka mid yihiin qalabka iyo gaadiidka.