Maraykanka oo Digniin Culus Dul-dhigay Muwaadiniintiisa u Safraya Soomaaliya.

May 15, 2025

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dawladda Saliibiyada Mareykanka ayaa mar kale muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan dalka Soomaaliya oo ay sheegtay in ay kasoo korortay xaalad amni oo khatar ah, kadib markii Mujaahidiintu ay hawl-galladooda kor u qaadeen.

Digniintan oo si gaar ah u khusaysa Soomaaliya kuna soo baxday darajada ugu saraysa ee heerka Afraad ayay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanku ay shalay si rasmiya ugu shaacisay mareegteeda khaaska ah ee ay ku baahiso macluumaadyada la xiriira socdaalka iyo weliba digniinaha safarka.

Maraykanka ayaa sheegay in digniintani ay salka ku hayso halista amni ee ay wajahayaan shaqaalahaha Maraykanka ee ka hawl-gala gudaha Soomaaliya, kuwaas oo amar buuxa lagu siiyey in aanay ka bixi karin gudaha xerada Xalane oo safaaradda Maraykanku ay ku taallo.

Wasaaradda khaarajiga Maraykanku waxay walaac xooggan ka muujisay hawl-gallada mujaahidiinta oo ay sheegtay inay sii xoogaysteen, isla markaana suuro-gal ay tahay in si lama filaan ah ay weerarro halis ah uga fuliyaan goobaha xasaasiga ah oo ay ka mid tahay Xalane oo ah xerada ugu weyn ee Kuffaarta duullaanka kusoo qaadday dalka Soomaaliya.

Sidoo kale Maraykanku wuxuu sheegay in meelaha ay mujaahidiintu bar-tilmaameedsan karaan ay ka mid tahay dhismayaasha Riddada iyo kolonyada maleeshiyaadka riddada iyo sidoo kale kolonyada ciidamada Kuffaarta, iyagoo mujaahidiintu adeegsanayaya ayay tiri weerarro istishhaadiyo ah oo Jamaaci iyo Kalidii-duul isugu jira iyo sidoo kale weerarrada jugta culus ee madaafiicda.

Maraykanku waxa kale oo uu ka digay deggaannada uu ka arrimiyo maamulka ashahaado-la-dirirka ah ee la baxay Somaliland oo uu carabaabay in gobolladaasi laftarkoodana mujaahidiintu ay weerarro ka fulin karaan, sidaas darteed ayay tiri warbixintu, wakhti walba waxaa suuro-gal ah meel kasta oo Soomaaliya ka mida in hawl-gallada mujaahidiintu ay ka dhici karaan.

Digniintan Maraykanku soo saaray ee kusoo baxday heerkii ugu sarreeyey ayaa kusoo aadaysa xilli guud ahaan Kuffaarta caalamku ay si weyn uga qaylo-dhaaminayaan horumarka baaxadda leh ee ciidamada mujaahidiinta ee bariga Afrika ay ku tallaabsanayaan, kuwaas oo haatan kaabiga ku haya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.