Maraykanka oo Dacwado Kusoo Oogay Dad Badan oo ka Tirsan Soomaalida ku Dhaqan Dalkaasi.

Dec 30, 2025

Dowladda saliibiyadda Maraykanka oo muddooyinkii u dambeeyay cadaadis joogta ah ku haysay Soomaalida ku dhaqan waddankaasi, ayaa shaacisay in ku dhawaad 100 qof oo Soomaali ah lagu soo oogay dacwado.

Waxay ugu yeeraan waaxda caddaaladda ee xukuumadda Washington, ayaa sheegtay inay dacwad kusoo oogtay ilaa 98 qof, kuwaas oo oo lala xiriirinayo musuq-maasuq iyo wax isdaba marin oo ay sheegtay inay ka dhaceen gobolka Minnesota.

“Waxaan dacwad ku soo oogay 98 qof oo la xiriira musuq-maasuq ka dhacay Minnesota. In ka badan 60 ka mid ah way qirteen dambiga. Kuwo kale ayaa imaan doona,” waxaa sidaa lagu yiri qoraal ay waaxdaas ku daabacday barta X.

Pam Bondi oo ah xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, ayaa sheegtay in 85 ka mid ah dadka ilaa hadda la hayo ee dacwadaha lagu soo oogay ay yihiin dad Soomaaliyeed.

Waxay tani timid xilli maamulka Trump uu muddooyinkii u dambeeyay beegsi gaar ah ku hayay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Minnesota, waxaana uu gobolkaas ku tilmaamay mid xuddun u ah lacagaha sharci darrada.