Maraykanka iyo Iiraan oo is Dhaafsanaya Hanjabaado Culus iyo Wararkii ugu Danbeeyay.

Jan 29, 2026

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowlada Saliibiyada ah ee Maraykanka iyo xukuumada Shiicada ah ee Iiraan, iyadoo labada dhinac ay is weydaarsanayaan hanjabaado culus iyo eedeymo xooggan oo isa soo taraya.

Madaxweynaha Maraykanka, Donal Trump, ayaa maalinkii shaley baaq iyo hanjabaad culus u diray xukuumada Tehraan, isagoo sheegay in Iiraan ay cadeyso mawqifkeeda ku aadan in ay wadahadallo la gasho xukuumada Washington.

Trump ayaa intaa ku daray in waqtigu sii dhamaanayo, waxaanu ku hanjabey in ay qaadi doonaan tallaabo militeri oo ka xooggan kuwii hore, iyaga oo beegsanaya danaha Iiraan, oo ay ku jiraan xarumaha barnaamijkeeda Nuykliyeerka.

Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay in kaliya ay aqbalayaan hashiis ku dhisan ixtiraam iyo sinaan, hase yeeshee hadii Maraykanku ku xadgudbo madaxbanaanideeda ay bixin doonto jawaab celin aaney horey loo arag, islamarkaana ay iska difaacayaan tallaabo weliba oo kaga timaada Maraykanka.

Waziirka Arrimaha Debadda Maraykanka ayaa dhankiisa ku digtey xukuumada Tahraan, isagoo sheegay in ay Iiraan maanta marayso heerkii ugu liitay abid, isaga oo ku nuux-nuusadey heerka maaliyadeed oo uu xusey in ay la daalaa-dhacayso dhaqaale xumo baahsan.

Waziirka ayaa intaa ku daray in hadii isbadel ku yimaado hogaanka xukuumada Tahraan ay ka dhalan karayso isbadel weyn oo ku yimaada galaangalka Maraykanka ee dalka Iiran.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in midowga Yurub uu ciidamada Kacaanka Iiraan u aqoonsadey urur argagixiso ah, waxaana arrinta durbadii ka dhashay carrio iyo hadal hayn ballaaran.

Waziirka Arrimaha Debada Iiraan Cabaas Caraaqji ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu si adag kaga hor yimid warka kasoo yeerray midowga Yurub, isagoo sheegay in aysan jirin dowlad Yurubiyaan ah oo ka shaqeynaysaa sidii looga hortagi lahaa dagaal ka qarxa mandiqada Bariga Dhexe, taasi badalkeeda-na ay colaada sii hurinayaan. 

Arrimahan ayaa ku daba feelaya cadaadisyada xooggan ee ay wajahayso xukuumada Tahraan, maadaama gudaha dalka Iiraan ay ka socdaan dibad baxyo ballaaran oo ay dadku kaga cabanayaan saciir barar xooggan iyo maciishada dalkaas oo sare u kac xooggani ay ku timid.

FAAFREEB PRO