Liibaan Xassan oo ka mid ah kalluumeysatada Soomaaliyeed, sidoo kalena ka mid ahaa raggii afduubtay markabkii Shiineyska ee dhowaan laga sii daayay xeebaha dhaca gobollada waqooyi bari, ayaa si kulul uga hadlay dhibaatada ay maraakiibta shisheeye ka wadaan xeebaha Soomaaliya.
Liibaan oo qadka taleefanka warbixin ku siiyay shabakadda Al-jaziira, ayaa sheegay inay yihiin bulsho go’doosan oo dhibbane u ah maraakiibta lagu soo fasaxay biyaha Soomaaliya, wuxuu sheegay inaysan ahayn burcad-badeed balse ay yihiin dad Soomaaliyeed oo xaqooda dhacsanaya.
“Ma nihin burcad-badeed, ma nihin dambiilayaal, balse waxaan nahay bulsho go’doonsan,” waxaa sidaas Al-jaziira ku yiri Liibaan Xassan oo ka mid ahaa kooxihii Soomaalida ee gacanta ku dhigay markabkii Shiinaha balse dhowaan la sii daayay.
Wuxuu sheegay in maraakiibta shisheeye ay yihiin kuwa dhibaatada ku haya biyaha Soomaaliyeed, xaalufin ba’anna ku hayaan badda, wuxuu sidoo kale tilmaamay in maraakiibta ajaanibta ay wasakheeyaan xeebaha, taasi oo halis ku ah nolasha kalluumeysatada Soomaaliyeed.
Isaga oo sii hadlayay ayuu Liibaan sheegay in maraakiibtaasi ay caqabad ku yihiin oo ay ka hor istaagaan quudinta qoysaskooda, weeraro ba’anna ay ku hayaan kalluumeysatada.
“Marka aan badda u baxno, waxay nagu soo ridaan xabbado, waxay burburiyaan doomaheenna, waxayna naga hor istaagaan quudinta qoysaskeena,” ayuu sii raaciyay Liibaan.
Kalluumeysatada Soomaaliyeed, ayaa si joogta ah ula kulma weerarada kaga imaanaya maraakiibta shisheeye, kuwaas oo rassaas nool nool u adeegsada kalluumeysatada, halka maraakiibta qaar si ay isu hor taagaan kalluumeysiga Soomaalida burburin u gaysta doomaha kalluumeysatadu ku jillaabtaan.