Sannadkii 1897kii, Yuhuuddii ku noolayd qaaradda Yurub waxa ay magaalada Basle ee dalka Switzerland kaga dhawaaqeen Ururweynaha Sahyuuniga Caalamiga ah. Sahyuuniyiintu waxa ay ahaayeen dad rumaysan in Yuhuuddu ay xaq u leeyihiin in ay xukumaan dhulka Falastiin, sidaasidaraaddeedna ay waajib tahay in ay Yuhuudda caalamka oo dhami ay dib ugu midoobaan dhulka Falastiin. Aragtidan waxa taageertay dawladda Ingiriiska sannadkii 1917kii.
Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Arthur James Balfour ayaa November 02, 1917kii waraaq aad u kooban oo ballanqaad ah u diray Sahyuunigii Lord Walter Rothschild. Waraaqda waxa ku qornaa: Dawladda Ingiriisku waxa ay rumaysantahay in Falastiin ay tahay dhulkii hooyo ee dadka Yuhuudda ah, waxaanay dawladda Ingiriisku ballanqaadaysaa in ay awooddeeda oo dhan isugu gayn doonto si ay riyadan u rumayso.1
Dhammaadkii dagaalkii koowaad ka dib, dhulka Falastiin waxa uu gacanta u galay gumaysiga Ingiriiska, tanina waxa ay horseedday in kumannaan Yuhuud ahi ay soo galaan dhulka Falastiin. Mudaharaaddo lagu diiddanyahay soo gelitaanka Yuhuudda ee Falastiin ayaa bilaabmay. Markii uu bilaabmay dagaalkii labaad ee adduunka, xaaladdu way sii xumaatay, ka dib markii hoggaamiyihii Jarmalka ee Hitler uu gumaad u gaystay Yuhuuddii halkaa ku noolayd. Xilligan waxa bilaabmay in kumannaan Yuhuud ahi ay ka cararaan Hitler, una qaxaan Falastiin. Tanina xaaladda ayay uga sii dartay. Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa waxa uu Qaramada Midoobay waydiistay in xaaladda la soo faro geliyo.
Bishii November, 1947kii, Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey in dalka Falastiin lama meelood loo qaybiyo: Yuhuudda iyo Carabta. Dhismaha maamulka Yuhuudda waxa magaalada Tel Aviv lagaga dhawaaqay maalinnimo Jimce ah, May 14, 1948kii. ‘Xoriyadda Yuhuudda’ waxa ku dhawaaqay hoggaamiyihii Sahyuuniyiinta David Ben-Gurion.
Dawladaha Massar, Suuriya, Jordan, Ciraaq iyo Lebanon ayaa si dhakhso ah weerar ugu qaaday maamulka Yuhuudda ee lagu dhawaaqay. Dagaalkan oo la filaayay in dawladaha Carbeed ay ku adkaan doonaan, taasi ma dhicin waxaana dagaalka ku adkaaday maamulkii Yuhuudda oo taageero ka helaayay gumaysiga caalamiga ah. Yuhuuddu waxa ay qabsadeen inta badan dhulka Falastiin. Sida oo kale, waxa ay qabsadeen magaalada dekadda ah ee Falastiin ee Eilat iyo meelo ka mid ah Badda Cas. Kumannaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ka cararay gumaadka Yuhuudda ee dhulkoodii xoogga ku qabsaday, waxaanay qaxoonti ku noqdeen dalalka deriska ah.
Dawladaha Ingiriiska iyo Massar waxa ay sannadkii 1936kii kala saxeexdeen heshiis u oggolaanaaya dawladda Ingiriiska in ciidamadeedu ay ilaaliyaan marinka Suez. Heshiiska ayaa dhammaaday sannadkii 1956kii, dawladda Massarna waxa ay diidday in ay dib ugu cusboonaysiiso dawladda Ingiriiska. Madaxweynihii Masaarida Jamaal Cabdinaasir ayaa ku baaqay in ciidamada Ingiriisku ay si degdeg ah uga baxaan marinka Suez, waxaanu qarameeyey marinkaa Suez si dhaqaalaha ka soo xarooda uu ugu dhiso biyo xidheenka Aswan. Tani waxa ay dareen gelisay dawladaha reer galbeedka oo ka cabsi qabay in Jamaal Cabdinaasir uu doonaayo in Carabta oo dhan uu mideeyo, isaguna uu madax u noqdo, ka dibna uu isbahaysi difaac la yeesho xulafada reer bariga ee Shuuciga ah. Haddii ay tani dhacdo, waxa khatar geli kara saliidda ay reer galbeedku ka qaataan Bariga Dhexe. Tallaabadani waxa ay keentay dagaalkii ‘Gacanka Suez’ ee 1956kii.
Dagaalku waxa uu bilaabmay ka dib markii Yuhuuddu ay weerar ku qaadeen dalka Massar bishii October, 1956kii, ka dibna ay qabsadeen Sinai. Sida oo kale, diyaaradaha dagaalka ee Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa duqeeyey ciidamada cirka ee Massar, ka dibna waxa ay ku soo degeen magaalada dekkadda ah ee ‘port Said’ ee Waqooyiga marinka Suez ee dalka Massar. Dawladaha Maraykanka iyo Midawgii Soofiyeeti ayaa dagaalka cambaareeyey. Maraykanku waxa uu cabsi ka qabay in arrintani ay horseedi karto kacdoon ballaadhan oo reer Galbeedka lagaga soo horjeedo. Sidaasidaraaddeed, waxa uu Ingiriiska, Faransiiska iyo Yuhuudda cadaadis ku saaray in ay ka baxaan Sinai iyo marinka Suez.
Dagaallada Yuhuudda iyo Muslimiinta Carbeed halkoodii ayay ka sii socdeen. Mar kale, waxa dhacay dagaalkii ‘Lixda Maalmood’ ee 1967kii. Waxa ay guushu raacday Yuhuudda. Waxa xigay dagaalkii ‘Yom Kippur’ ee 1973kii. Dagaalkan isagana waxa ay guushu raacday Yuhuudda. Dagaalladan ayaa loo yaqaannaa ‘dagaalladii Carabta iyo Yuhuudda’. Haddaba, sannadkii 1979kii, waxa uu heshiiskii Camp David dhex maray Massar iyo Israa’iil. Heshiiska waxa lagu saxeexay magaalada Washington, bishii March, 1979kii.
Qodobbada muhiimka ah ee heshiiska waxa ka mid ahaa:
- Xaaladdii dagaal ee u dhaxaysay Massar iyo Israa’iil ilaa sannadkii 1948kii, way dhammaatay.
- Israa’iil waxa ay ballanqaadday in ay ciidamadeeda kala baxayso
- Massar waxa ay ballanqaadday in aanay dib u soo weerari doonin
Israa’iil.
- Maraakiibta Israa’iil way isticmaali karaan Kannaalka
Wixii maalintaas ka dambeeyey, waxa caan noqotay odhaahda tidhaahda ‘dagaal Carbeed oo aanay Massar ku jirin, dagaal maaha’. Tani waxa ay beddeshay wajigii dagaalka. Wixii maalintaas ka dambeeyey, dagaalku waxa uu noqday mid u dhexeeya ‘Yuhuudda oo helaysa taageerada galbeedka iyo Falastiiniyiinta’.
Falastiin waa halbawlaha Muslimiinta caalamka. Waxa ay ku jirtaa gumaysi isir- sifayn ah oo siddeetan jirsaday. Xasuuqani waxa uu soo socday tan iyo markii Falastiin la galiyay gacanta Yuhuudda sannadkii 1948kii. Subaxnimadii hore ee October 07, 2023kii xooggagga hubaysan ee ururka Xamaas ee Cissudiin Al Qassaam waxa ay duullaan aad loo qorsheeyey ku qaadeen deegaamada ay Yuhuuddu xoogga ku haystaan ee dalka Falastiin. Waxa ay xoogagga Al Qassaam gudaha u galeen xuduud beenaadka ay Yuhuuddu samaysteen, waxaanay halkaas ku dileen 1,200 oo qof oo Yuhuud ah, sida oo kalena waxay ay soo qafaasheen boqollaal Yuhuud ah. Weerarkaasi, waxa uu jahawareer ku abuuray maamulka gumaysiga ah ee Tel Aviv.
Hawlgalladan oo loo bixiyay ‘Duufaanta Al Aqsa’ waxa lagu tilmaamay in ay ahaayeen hawlgalladii ugu cuslaa ee ay Falastiiniyiintu qaadaan tan iyo sannadkii 1948kii. Raysalwasaaraha Yuhuudda Benjamin Netanyahu oo warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegey in uu dagaalku u dhexeeyo ‘axmaqnimo iyo ilbaxnimo (Barbarism and Civilization)’. Yuhuuddu, waxa ay bilaabeen duqaymo ay ku qaadeen magaalada go’doonsan ee Qassa. Dhinaca kale, guud ahaan gaalada caalamku waxa ay si weyn ula safteen gumaysiga Yuhuudda. Sidaa oo kale, maamullada xukuumadaha dabadhilidka ah ee ka dhisan dhulalka Islaamka waxa ay ku sifoobeen liidnimo, cabsi iyo aamusnaan ay ceebi weheliso. Xukuumadaha qaarkood, taageerada ugu badan ee ay Falastiiniyiinta gaadhsiiyaan waxa ay noqotay kafanta dadka dhintay lagu aaso. Duullaankan ayaa ku soo beegmay xilli uu gabagabo maraayay waxa loo bixiyay heshiiska diimaha ee ‘Abraham Accord’. Kani waa heshiis la sheegey in lagu walaalaynaayo diimaha oo Maraykanka, Israa’iil iyo Talisyada Carbeed qaarkood ay hormuud ka yihiin.
Aniguba hiyyiga reer Ciraaq; waw han weynahaye, Taariikhahoodii horey; raaci hilinkiiye,
Mar uun bay haldoorkiyo shacbigu; tuuri heeryada’e,
Massar iyo dadkeedii hurdaa; hiil la soo kiciye,
Mar uun bay hullaabta iska rogi; hanaddadii Shaame, Hanuunkii xaqqiyo diinta iyo; himiladii guusha, Huud iyo mar uun bay Anfaal; dib ugu hawshoone!
Duullaanka cusub ee Qassa ee soo bilaabmay October 07, 2023kii waxa ku shihiiday 66,055 oo qof, waxaana ku dhaawacmay 168,346 oo qof.
Tirooyinkani waa inta ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas, balse waxa jira dad aad u badan oo aan geeridooda la diiwaangelinin. Sida oo kale, waxa duullaankan ku duntay 85% magaalada Qassa, sida ay xoguhu tilmaameen. Burburka dhaqaale ee gaadhay magaalada Qassa ayaa lagu qiyaasay lacag ka badan $53 Billion.2 Shir dhammaadkii bishii February, 2025ka ay madaxda Dawladaha Carbeed ku yeesheen magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sucuudi Carabiya, waxa ay ‘hal erey oo macno leh’ ka odhan kari waayeen hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo nuxurkiisu ahaa: Falastiiniyiinta waa in laga raro marinka Qassa! Waxa fadeexadda sii laba jibbaaray shir kale oo ay madaxda Dawladaha Carbeed ku yeesheen magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Massar horraantii bishii March, 2025ka. Waxa ay sheegeen in ay qayb ahaan aqbaleen qorshaha Madaxweyne Trump in kasta oo ay afgobaadsadeen.3
Dagaalkii bilaabmay subaxnimadii October 07, 2023kii waxa ku dhintay inta badan hoggaankii siyaasadda iyo hoggaankii ciidanka ee Xamaas. Intii dagaalkani socday, waxa ay diyaaradi la dhacay Madaxweynihii Iiraan. Waxa ay Israa’iil dishay hoggaamiyihii ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah. Ka dibna waxa ay Israa’iil mar kale dileen hoggaamiyihii isaga lagu beddelay, Yahya Sinwar. Sida oo kale, waxa ay Israa’iil dishay hoggaamiyihii ururka reer Lubnaan ee Xisbullaah, Xassan Nasrullah iyo tobannaan ka mid ah hoggaankii ugu sarreeyay ururka Xisbullaah. Dhinaca Yuhuudda, waxa ka dhintay boqollaal ciidamada gumaysiga ah, waxaana ku burburay boqollaal taangiyada dagaalka ah. Dhinaca kale, Yuhuudda dagaalka Qassa waxa kaga baxday lacag ka badan $67.5 Billion bilawgiisii ilaa dhammaadkii sannadkii hore ee 2024kii.4 Haddii ay xogahani dhab noqdaan, burburka dhaqaale ee Yuhuudda gaadhay ayaa ka badan burburka dhaqaale ee gaadhay magaalada Qassa ee ay kibirka ku burburisay.
Dhinaca kale, duullaankii ay June 13, 2025ka gudaha dalka Iiraan ku qaadday Israa’iil, waxa lagu dilay saraakiishii ugu sarreeyey hoggaanka ciidamada kala duwan ee Iiraan oo ay ugu horreeyaan Taliyihii Guud ee Ciidamada Iiraan, Taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo Taliyihii Ciidamada Difaaca Dhulka Iiraan. Sida oo kale, waxa weerarkan lagu dilay wax ka badan siddeed ka mid ah khubaradii farsamada Nuclearka Iiraan, waxaana weerarkan lagu burburiyay qaar badan oo ka mid ah xarumihii Nuclearka Iiraan. Dhinaca kale, waxa la weeraray Xarumaha Ciidamada ee Iiraan. Maalintaas oo kaliya, Israa’iil waxa ay duqaymo ka gaysatay dalalka Iiraan, Suuriya, Ciraaq, Lubnaan, Falastiin iyo Yemen.
Waa Maqaal Dheer oo uu Qoray Abwaan Nageeye Cali Khaliif.