Maleeshiyaat katirsan Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeerar ku qaaday mid kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka ridada.
Murtadka la weeraray oo ku sugnaa xeebta Liido dagmada Cabdi-Casiis ee Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Cali Xuubeey, waxaana ujeedada loo weeraray lagu sheegay in laga qaato hub iyo gaadiid dagaal oo uu watay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaatka ridada ay si xoog ah murtadkaan uga qaateen gaadiidkii uu watay.
Cali Xuubeey ayaa horay xilal kala duwan uga soo qabtay maleeshiyaatka Kooxda Ridada Soomaaliya, isaga oo ka shaqeynjiray deegaanada uu ka armiyo maamulka ridada Hiirshabeelle.
War qoraal ah uu murtadkan soo dhigay bartiisa Facbook, ayuu uga hadlay dhacdadaasi isaga oo hanjabaad diray, islamarkaana sheegay in gaadiidka laga qaaday uu si xoog ah kusoo ceshan doono, islamarkaana aysan arintaani meel fiican ku dhamaan doonin.
Tallabadaan ayaa imaanaysa iyadoo war kasoo baxay nidaamka Xasan Gurguurte maagallada Muqdisho looga mamnuucay in la isticmaalo gaadiidka uu ku buufsanyahay astanta maleeshiyaatkooda.
Falanqeeyaasha ayaa sheegay in arintaani ay gogol xaar utahay qorshe uu doonayo murtad Gurguurte oo ah in uu hubka uga dhigo mucaaradka ridada, oo todobaadyo kahor ay iska hor’imaadyo ku dhaxmareen xaafada Siinay ee magaallada Muqdisho.