Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maleeshiyo gadoodsan oo ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka Puntland ay maanta xirteen waddada aadda garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe.
Maleeshiyadan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan haysata muddo dhowr bilood ah, waxayna culaysyadaasi keeneen in ay isku fidiyaan jidad muhiim ah oo ka baxa magaalada sidoo kalena gala Airport-ka magaaladaasi.
Sawirro iyo muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay gaadiid ku xayiran waddada u dhaxayso garoonka diyaaradaha iyo magaalada Garoowe, dadka rayidka ah ayay ciidanka gadoodsan ku amrayeen inaysan waddadaasi isticmaali karin oo ay iyagu waddadu u xiran tahay.
Ilo wareeydo ayaa soo sheegay in gadoodka maleeshiyada Riddada Puntland uu hakad geliyay isku socodka gaadiidka iyo sidoo kale diyaarado kasoo degi lahaa garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi, mid ka mid ah gaadiidleyda goobta lagu xayiray ayaa soo duubay muuqaal muujinaya gaadiidka ku xayiran waddada isku xirta garoonka iyo magaalada.
Ma ahan markii ugu horreeyay oo maleeshiyada maamulka murtad Siciid Deni ay xirtaan waddooyin kuyal magaalo madaxda gobolka Nugaal ee Garoowe iyo magaalooyinka kale ee uu maamulkaas ka arrimiyo, iyaga oo ka cabanaya mushaar la’aan haysta bilooyin dhowr ah, waxayna tani kala mid yihiin maleeshiyada kooxda Ridada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada kale, kuwaas oo marka lagu adeegto meel cidlo ah looga dhaqaaqo, ama saraakiil iyo masuuliyiin lunsadaan lacigihii loogu talagalay.