Wararka ka imanaya dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos-jira gumaysiga Xabashida Itoobiya ayaa sheegaya ugu yaraan saddex qof oo shacab ah oo xalay fiidkii lagu dilay tuullada Bangool oo hoos-tagta degmada Hudhet ee gobolka Daawa.
Dilkan oo si ula-kac ah loo fuliyey ayaa lagu soo warramayaa in ay geysteen maleeshiyaad hubaysan oo Salaaddii Maqrib kagadaal weerar qorshaysan kusoo qaadday tuulladaasi, kuwaas oo halkaasi ku khaarajiyey saddex wiil oo dhalinyaro ah oo hal qoys kasoo wada jeeda.
Saddexdan wiil ayaa la dilay iyagoo ku hawllan xaraynta xoolo u badan Geel, waxaana goobtaasi isla markiiba ka baxsaday maleeshiyaadkii dilkaasi geystay sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo warbaahinta maxalligu ay soo xigatay.
Dhowr cisho ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale wiil dhalinyaro ah oo la joogay Geel, ay maleeshiyaad hubaysan soo weerareen kuna dileen tuulo hoos-timaadda degmada Deka Suftu (Dhiikaa Suuf) ee gobolka Liibaan oo ka mida dhulka ku hoos-jira gumaysiga Itoobiya.
Sida warar hoose oo aanu helnay ay sheegayaan, maleeshiyaadkan oo gacan-saar la leh ciidanka Xabashida Itoobiya ayaa muddooyinkan dambeba dhibaato xooggan ku hayay dadka muslimiinta ah ee ku dhaqan deggaannadaasi, kuwaas oo sida la sheegay abaabulkooda uu ka dambeeyo maamulka saliibiga ah ee uu hoggaamiyo Abiy Axmed.
Geesta kale degmada Dhanaan oo shalay lagu xasuuqay dad shacab ah ayay wararku sheegayaan in lagu soo daad-gureeyey maleeshiyaadka Liyuu Booliska oo aad u fara badan, kuwaas oo habeennimadii xalayna mamnuucay isu socodkii bulshada kadib markii ay Bandow kusoo rogeen magaalada.
Sidoo kale waxaa maleeshiyaad badan lasoo dhoobay tuulada Shiniile oo hoos-timaadda degmada Dhanaan, waxaanay wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in magaalada Jigjiga uu ku geeriyooday mid ka mida dadkii shalay ay xasuuqeen maleeshiyaadka Liyuu Boolisku.
Tirada dhimashada ayaa noqonaysa laba qof oo Rayid ah, waxa kaloo wararku ay tibaaxayaan in ay jiraan dad shacab ah oo la jiifa dhaawacyo garaab ah oo shalay ay soo gaarsiiyeen maleeshiyaadka Riddada Liyuu Booliska ee dabaqoodhiga u ah maamulka Abiy Axmed.
Dadka la laayay kasakow, waxaa iyaguna jira dad fara badan oo shacab ah oo saacadihii u dambeeyey maleeshiyaadka Liyuu Boolisku ay xabsiyada ku gureen, kuwaas oo badankooda laga soo ururiyey degmada Dhanaan ee gobolka Shabeelle oo ka mida dhulka Soomaali-galbeed ee ay xoogga ku haysato dowladda saliibiyadda ah ee Xabashida Itoobiya.