Burburintan ayay maleeshiyo ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen xaafadda Buulo-weekiyo ee ka tirsan degmada Xamar Ja-jab ee magaalada Muqdisho.
Maleeshiyo murtadiin ah ayaa guryo xaafaddan kuyaal geliyay cagaf-cagafyo, iyaga oo burburiyay guryaha dadka shacabka ay degganaayeen, qaar ka mid ah dadka guryahooda la burburiyay ayaa sheegay in kaliya ay ka warheleen maleeshiyo kor u dhaafaya kun askari oo lasoo tubay xaafadda, kuwaas oo guryaha ku duminayay dadka rayidka ah.
Mid ka mid ah dadka goobjoogga u ahaa dhacdadan ayaa sheegay in murtad Xassan Gurguurte uu ku jiro dhamaystirka dhulalkii boobkiisa ka badbaaday muddo xileedkiisii 1-aad.